Connect with us

somalilandtoday.com

Dab Xalay Ka Kacay Cusbitaalka Dayniile Ee Magaalada Muqdisho Iyo Qeybtii Keydka Daawada Oo Uu Baabi’iyay

focus

Dab Xalay Ka Kacay Cusbitaalka Dayniile Ee Magaalada Muqdisho Iyo Qeybtii Keydka Daawada Oo Uu Baabi’iyay

(SLT-Muqdisho)-Dab ayaa xalay ka kacay Cusbitaalka degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, kaasoo sababay khasaare soo gaadhay qeybta keydkii daawada ee Isbitaalka.

Maamulka isbitaalka ayaa sheegaya in dabka ka kacay isbitaalka uu sababay cilad koronto, waxaana uu socday saacado.

Dadka deegaanka ayaa muddo la xarbiyay inay dambiyaan, waxaana markii dambe ku guuleystay inay dabka damiyaan, ka hor inta uusan gaarin gaadiidka dab damiska.

Wararka ayaa sheegaya in dabka uu baabi’iyay qeybtii keydka daawada iyo wixii qalab ee yiil.

Daawooyinka ku baaba’ay qeybta keydka daawooyinka ayaa waxaa ka mid ahaa daawooyinka lagula tacaalo carruurta nafaqa darada heysata, daawooyinka ka hortagga shubanka iyo jadeecada.

Isbitaalka Dayniile ayaa ah isbitaal bixiya adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah, waxaana uu ka mid ahaa isbitaalada tobanaankii sano ee la soo dhaafay ka howl galayay magaalada Muqdisho.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top