Connect with us

somalilandtoday.com

DAAWO: “Anigu Jeegaan Ma Aqaane KULMIYE Cidna Igama Hor Istaagi Karto…” Warancadde Oo Ka Hadlay Arrimo Badan Oo Xasaasi Ah

advertise

DAAWO: “Anigu Jeegaan Ma Aqaane KULMIYE Cidna Igama Hor Istaagi Karto…” Warancadde Oo Ka Hadlay Arrimo Badan Oo Xasaasi Ah

(SLT-Hargeysa)-Siyaasiga Cali Maxamed Warancadde ayaa la waydiiyay sida ay suuro gal u tahay in uu musharax ka noqdo xisbiga Kulmiye oo ay isbahaysi ku yihiin beelo aanay beeshiisu ku jirin waxaanu naqdiyay aragtiyaha ku saabsan is xulufaysi beeleedyo xisbiyada Qaranku u kala qaybsan yihiin isaga oo sheegay in aanu jirin sharci ama cid u diidaysa in uu hoggaanka Kulmiye qabto.

“Horta meeshu waxa weeye Waddan dimuqraadi ah. Waxan la siyaasadeeyay ee Jeegaanta, Giraanta iyo waxaas ayaad maqlaysa waana magacyo khayaal ah oo aan waddanka ka socon Karin dhaqani Karin weeye waayo? Dadku mabaadii ayay isku raacan ee qabyaalad iskuma raacan, fikrado ayaa la isku raaca iyo yaa wax wadi kara? Marka anigu waxaan ahay nin iska sharrixi kara Kulmiye, anigu Jeegaan uma aqaano ee Kulmiye ayaan u aqaanna, Kulmiyena waa xisbigaygii waanan iska soo sharraxaya sharci iyo nidaam ii diidayaana ma jiro aniga iyo qayrkayba,” Sidaas ayuu yidhi Mr Warancadde.

Warancadde oo muddooyinkii u dambeeyay socdaal ugu maqna dalka dibaddiisa ayaa si faahfaahsan uga hadlay xiisadda Somaliland iyo Somalia u dhexaysa, dagaalka Tukaraq iyo in xidhiidhka cusub ee Soomaaliya iyo Itoobiya waxyeelayo xidhiidhka saaxiibtinimo ee Somaliland iyo Itoobiya, Halkan hoose ka DAAWO

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in advertise

To Top