Yaa dulman? Yaa se dulmi-wade ah? (Q. 13aad) Qore: Maxamed Sharma’arke

3.     Askari:

Askarigu waa mid ka mid ah xubnaha ugu muhiimsan ee tiirarka qarannimada ee dal walba. Marka si qumman loo adeegsado, askarigu waa astaanta nabadda, cadaaladda, hir-gelinta iyo fulinta sharciga iyo kala dambaynta qarannimada.

Yaa(5)

Askarigu waa ilaaliyaha dhammaan astaamaha qarannimada sida dadka, dalka iyo dowladdaba. Ciidanku waa hay’adda ugu muhiimsan ee dhismaha qarannimo, suurto-galna ma’aha in uu qaran lugihiisa ku taagnaado askari la’aan. Askarigu waa hiraha cadaawaha, hubiyaha nabadda iyo horumariyaha gobonnimada iyo madax-bannaanidaba. Lama koobi karo qiimaha uu askarigu ku leeyahay dalka iyo dadka, waana hal-bowlaha aanu qaranku la’aantii shaqayn karayn. Qaranku baarlamaan la’aan waa uu shaqayn karaa, wasiir la’aan waa uu shaqayn karaa, balse ciidan la’aan saacad qudha ma shaqayn karo, taasi ayaa kuugu filan in aad ku ogaato heerka muhiimadeed ee ay ciidamada kala duwani qaranka u leeyihiin. Is weydiinta ayaa ah, sidaas uu askarigu muhiim u yahay, ahmiyad ma loo siiyey? Mise waa la dayacay? Qaab sar-ka-xaadis ah ayaan halkan ugu soo ban-dhigi doonaa wayaha ku xeeran askariga, si aynu war-celin ugu helno weydiintan kore.

Askariga maantu waa mid ku nool waayo ay ku xeeran yihiin daruuro mugdi ahi, kuwaasi oo mar walba dulmi soo dhiiqaya. Dulmigaas aynu ka soo bilowno mushaharka uu askarigu qaato, oo ah wax ka yar boqol dollar bishii, iyo dhowr haaf oo raashin ah iyo caagad hadday ugu badato shan litirley saliid ah. Mushaharkani ma’aha mid askariga la siiyo kowda bisha, ama labadeeda, amaba saddexdeeda, ee waa mid haddii uu ugu soo horreeyo la siiyo 15 bisha iyo wixii ka dambeeya. Dhinaca kale marka aad ka eegto, lacagta uu askarigu qaato marka la bar-bar dhigo nolosha dalka, farqi weyn ayaa u dhexeeya. Tusaale ahaan, ka soo qaad askari dhalay laba carruur ah, askarigaasi awood uma laha in uu labadiisaa carruur ah ka bixiyo waxbarasho, iskaba dhaaf waxbarashee, waxa aanu xataa dammaanad qaadi karayn noloshooda aasaasiga ah, sida hoyga, hu’ga iyo hunguriga (cuntada). Adiguba waad qiyaasi kartaa boqol dollar maanta waxa ay suuqa ka goyn karaan, amaba ay u tari karan nin xaasley ah. Marka uu askarigii labada carruurta ah lahaa aanu dammaanad qaadi karin nolosha aasaasiga ah ee qoyskiisa, maxaad ka filaysaa askarta tobanka carruur ah korinaysana, sidee ayaa uu ugu filnaan karaa mushaharkaas silica ahi. Intaas waxa u dheer ciidanka, tacaddiga iyo ku takri-falka ay mas’uuliyiinta sare ee dowladdu ku hayaan. Tusaale ahaan, haddii uu maanta madaxweynuhu doono in uu safar u baxo, waxa uu dariiqa sii joojiyaa ciidan badan oo amnigiisa ilaaliya. Ciidankaas dariiqa jooga, waxa laga yaabaa in ay qorraxda taagnaadaan muddo ku dhow amaba ka badan shan saacaadood, kuwaasi oo ay kulaylka qorraxda, habaaska iyo boodhku ay dushooda is barkadaan, hadda ogow, oo ciidankan waxa ku jira qaar aan soo quraacan amaba aan soo qadayn. Qof iska ladan ayaa ay qorrax shan saacadood ahi waxyeelli kartaa amaba aan u adkaysan karin, bal maxaad u malayn askari yar oo bilaa quraac ah amaba bilaa qado ahna. Marka ay astaantii ugu muhiimsanayd ee qaranku sidaas dhexdeenna ugu dulman tahay, ee ay ugu dayacan tahay, maxay macno leedahay qarannimada aynu sheeganaynaa. Miyaanay dambi ahaynba in aynu ku faanno, innaga oo aan daryeelayn astaamaheegii, amaba aan ilaalinayn jiritaankeega iyo dhismaheega midnaba. Ma xuma in madaxweynaha la ilaaliyo amaba la sugo amnigiisa, sababo badan awgeed, balse madaxweynuha caqligiisu miyuu keeni waayey in uu ugu yaraan subaxdaas ama duhurkaas uu heeganka gelinayo ciidanka uu quraacdooda ama qadadooda xil iska saaro.Jawaabtu waxa ay ila tahay, haa, waayo dulmiga ayaan agteenna macno ka lahayn. Qofka wax dulmiyaa ma garan karo xanuunka uu dulmigu leeyahay, laakiin waxa garan kara qofka la dulmiyo!

Qodobka 20aad, fiqraddiisa 5aad ee dastuurka Somaliland waxa uu leeyahay: “Shaqaalaha dowladda iyo ciidanka qalabka sidaa waxa ay xaq u leeyihiin gunnada hawl-gabka, kaalmada bukaanka ama shilka iyo kaalmada qofka naafooba oo xeerka waafaqsan”. Qodobkan waxa ku cad, in xuquuqda ciidamada qaranku ay ku leeyihiin dalkan ay ka mid tahay in ay helaan gunnada hawl-gabka, taakulayta bukaankooga, amaba haddii ay shil galaan, iyo in uu qaranku kaalmeeyo askariga u naafooba si waafaqsan xeerka. Marka aynu eegayno sida ciidamada looga duudsiyey xuquuqdan, askariga waxa la illoobaa dharaarta uu hawl-gabka noqdo amaba uu geeriyoodo, haddii uu shil galo ama bukaan haleelana mar-marka qaar waa loo baaheeyaa, haddii uu qaranka dartii u naafoobana, waa nin dameer dilay!Hab-dhaqankani ma’aha mid dhiirri-gelinaya ciidanka iyo dhismahooga labadaba, waxaana uu keeni karaa in marka dambe la waayo cid askari dalkan ka noqota, taasi oo macnaheegu noqonayo in aanu dalku jirayn ciidan la’aan. Ugu dambayn, Quruxda dalku waxa ay ku jirtaa innaga oo qurxina oo sharafna astaamihiisa, inta ay dhexdeenna ku dulman yihiin astaamahaasi, runtii quruxda qarannimo waa aynu ka arradannahay.

4.     Shaqaale:

Dulmanaha afaraad ee maanta qarankan hoos joogaa waa shaqaalaha nooc kasta oo uu yahayba, mid dowladeed iyo mid shirkado ama goobo kale oo gaar ahaaneedba. Shaqaalaha Somaliland ma laha cid ilaalisa ama dhowrta xuquuqdooda, cid u dammaanad qaadda mushaharkiisa, oo haddii laga duudsiyo xaqiisa mushahar qaadasho uga soo dhicin kartaa. Shaqaalaha qaarkood waxa loogu shaqaystaa si dhiig miirasho ah, qaarkood waxa la duudsiyaa xaqooga nooc kasta oo uu yahayba, qaarna waxa lagula kacaa falal arxan-darro ah. Shaqaalaha dalku meel kasta oo ay joogaan iyo goob kasta oo ay ka shaqaynayaanba, ma jirto wax dacwad ah ama gor-gortan oo ay la geli karaan loo shaqeeyaha, waayo, waxa ay ogyihiin amaba ay ka cabsi qabaan in ay waayaan cadaaladda ay raadinayaan, iyagana  ay shaqo la’aani soo food saarto, maadaama oo ay dalka ka taagan tahay shaqo la’aan xoog lihi, taasi oo sabab u noqotay in ay sandulle ku ogolaadaan dulmiga, dhiig miirashada, af-legaaddada, mushaharka oo lagala habsaamo, amaba aan bilo la siin iyo boqollaal tacaddi oo kale, kuwaasi oo xaqooga dadnimo iyo wadaniyadeedba liddi ku ah. Isla qodobka 20aad ee dastuurka Somaliland oo ka hadlaya xaqa iyo xuquuqda shaqaalaha, fiqraddiisa 3aad waxa ay odhanaysaa: “Shaqaaluhu waxa ay xaq u leeyihii mushahar u dhigma hawsha ay qabtaan, waxaa aanay qof ahaan ama urur ahaanba gor-gortan la geli karaan loo shaqeeyaha, waxaana reebban shaqada oo la isku khasbo”. Isla qodobkan fiqraddiisa 4aad waxa ay odhanaysaa: “Dowladdu waxa ay ku dedaalaysaa in ay ka dhex abuurto shaqaalaha iyo loo shaqeeya is af-garad iyo xaq-soorid”.Inkasta oo aanu yarayn dayaca dalka ku habsaday ee dhinac walba ah, haddana hawlahani waa kuwo uu dayac aan la milshiyi karini ka muuqdo. In maanta la hadal hayo shaqaale iyo loo shaqeeye waxaa laga yaabaa in ay dadka qaar u arkaan arrin aan muhiim ahayn in laga hadlaa, balse waxa fiican in aad xasuusnaato in ay dadku labadan kooxood mid uun yihiin. Marka la eego qodobadan dastuurka ee halkan ku qorani, waa kuwo qoraal ahaan uun inoo dhex yaalla, balse aan dhaqanka dowladnimo ee maantu uu ka qaawan yahay. Iska illow in ay dowladdu xaq-soor samaysee, iyada ayaa qayb ka ah dulmiga shaqaalaha lagu hayo, cidda ugu weyn ee shaqaalaha dulmiga ku haysaana waa dowladda, tusaalayaasheedana hore ayaa aynu u soo sheegnay, shacabka laf ahaantooduna waa ay is dulmiyaan iyaga oo shaqaale iyo loo shaqeeye kala ah.

Si haddaba ay shaqaaluhu iskaga dhiciyaan dulmi-wadaha xaqooga duudsiyaya, waxa qumman in ay yagleelaan ururro iyo iskaashatooyin danahooga ka turjamaya, kuwaasi oo isku xidhan oo dhinac ka soo wada jeesta, isla markaana wax kasta oo ay ku qaadato iyo meel kasta oo ay la gashaba, soo dhicin karaya xaqa shaqaalaha la duudsiyey.

La soco….

Allaa mahad leh.

Qalinkii: Maxamed Sharma’arke

Sharmaake91@gmail.com