Xuska 30-Guurada Maalinta Shuhadada ee SNM

17/10/1984kii – 17/10/2014ka

“Mar haddaan hillaab lagu gudbayn, giriftan mooyaane,

  Gabgabteedu waa xubin intay, gawrac leedahaye,

  Geeddiga cagaa daaliyaa, lagu geyoodaaye,

  Gellimaadka hayskaga jirtiyo, goosan-habaqlaaye,

  Gubuxsiga mar uun bay tirsiga, meel ka soo geliye,

  Gar-garaaciddeediyo ha deyn, geed-ka-didinteeda,’’

Gud-gude, Hadraawi, 1990kii

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail,com, www.dharaaro.com

12/10/2014ka, Hargeysa

Qormadii: 2aad

Haddii ay Mujaahidiintii naf-hurka iyo geesinnimada aan wax loo dhigaa jirin ku dagaallamaysay sidaa uu Yuusuf Meydal Cumar sheegayna u hubeysneyd, ciidammadii cadawga ee hooyo-boobyada ahaa maxay ku hubeysnaayeen? Waa tan war-bixin laga soo xigtay Ibraahin Kood-buur oo uu soo tebiyay Yuusuf Meydal Cumar waxaanu yidhi:

“Sidii uu ku war bixiyay Ibraahin Kood-buur, cadawgu wuxu ka koobnaa 500 oo askari. Waxay wateen

gawaadhida gaashaaman oo ahayd 10 Beebbee, 4 Jiib, 2 Shilke, 2 Zuu iyo laba Toyote oo xanbaarsanaa laba qori oo ‘Brown’ ah.”

Waa halkii Maxamed Ibraahin Warsame, Hadraawiye aan idhaahdo:

“Haki Maxamed Genyada,

 Hasha Goray u yeedh-yeedh,

 Godol oo u gaal-gaal,

 Gabantana ka yara celi,”

Bal hadda sheekadaa ka yara nasta ama haddaad doontaanba ku yara raasukha oo inta aan ka rogo aan laba saaro. Maxay xilligaa SNM ku sugnayd? Ma u baahan tihiin in aan sawir guud idinka siiyo si aad sheekada isugu xidhataan. Waxay ila tahay in jawaabtiinnu tahay haa. Waa tahay. Bal hadda tanna dhegta u raariciya ama indhahaba ku daalacda.

Waxaynu ka hadlaynay 17kii Oktoobar 1984kii oo ku suntan Maalinta Shuhadadii SNM. Weliba maanta waa 30-guuro oo maalmaha iyo sannadahaba kuma jirto. Ilaahay baa inagu simay. Maalintaa 72 maalmood ayaa laga joogay Shirweynihii 4aad ee SNM oo ka furmay magaalada Jigjiga Xaruntii Gaaskii 10aad ee Ciidammada Itoobiya. Shirweynahaa 4aad wuxu furmay 6dii Ogos 1984kii. Shirweynahaa 4aad Shahiid Cabdilqaadir Koosaar Cabdi ayaa xilkii Guddoomiyennmo ku wareejiyay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Shahiid Maxamed Xaashi Diiriye, Lixle, wuxu ka mid ahaa Guddidii Fulinta ee markaa xilka wareejisay isaga oo gacanta ku hayay Ciidammada Xoreynta ee SNM. Haddii aanay xusuustaydu I dagayn Shirweynahaba kama soo qayb-gelin oo wuxu ku sugnaa oo la joogay Ciidammada Awaare ku tabobaranayay.

Dugsigaa Tababarka ee Awaare waxa la furay bishii Abriil 1984kii oo uu halkaa ku qabsoomay Kal-fadhigii 3aad ee caadiga ahaa ee Gole Dhexe ee SNM oo go’aammo badan oo dhaxal-gal ahaa lagu gaadhay, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen:

22222222222222

1.    Calankii SNM oo markii ugu horreysay la oggolaaday,

2.    Awaare oo laga dhigay Xaruntii Ururka SNM,

3.    Awaare oo markii ugu horreysay laga furay Dugsigii tababarka Ciidammada,

4.    La-wareegidda baabuurtii Toyotaha ahayd ee dadweynuhu lahaa si qoryo loo saaro, iyada oo markiiba halkaa lagu soo xereeyay ila 64 baabuur oo Toyota ah,

Go’aammadaa iyo qaar kale oo badan ayaa halkaa lagu gaadhay. Beryahaas oo uu SNM Guddoomiye u ahaa Cabdilqaadir Koosaar Cabdi, Ciidammada Xoreynta ee SNM waxa Xoghayaha Ciidammada Xoreynta ee SNM ahaa Maxamed Xaashi Diiriye, “Lixle”. Waa sida uu markii danbe Awaare ku tegayo ee uu ciidankii ugu horreeyay ee ka baxa Taliyaha ugu noqonayo.

Haddii aanan qaldanayn waxa kale oo xusid mudan in sannadkaa 1984kii ahaa sannadkii ay is-gaadhsiinta SNM ugu fiicnayd oo xarumaha iyo saldhigyada intooda badan meel walba radio ‘rakaal’ ahi yaallay.

Bal hadda aan waxoogaa aan badnayn ku hakanno Shirweynihii 4aad ee SNM iyo xanaftii ka dhalatay ee saamaynteeda ku yeelatay SNM. Markii Shirweynihii dhammaaday maalmo ka hor badhtamihii bishii Ogos 1984kii, waxa dhacday in qawad iyo saluug ka yimid qayb ka mid ah SNM oo shir ku qabsatay meel la yidhaahdo Laan-qayrta Doonbiraley. Iyada oo ururka SNM ku soo caano-maalay isu-joojinta iyo wada-hadalka wefdi uu Guddoomiyihii SNM hoggaaminayay oo madaxdii ururku u dhan tahay ayaa halkaa tegay. Ka mid baan ahaa wefdigaas oo xog-ogaal ayaan u ahaa waxyaabihii halkaa ka dhacayay ama ka socdayba. Muddo aan is-leeyahay malahayga bil waa ay ku dhaweyd ayaanu halkaa ku sugnayn oo lagu wada hadlayay. Meel wanaagsan ayaa wax la isla meel dhigay, go’aammadii ugu mudnaa ee halkaa ka soo baxayna waxa ka mid ahaa sees-u-dhigiddii iyo samayntii Golaha Guurtida oo markii ugu horreysay Guddoomiyihii iyo Guddidiiba halkaa lagu magacaabay. 1985kii ayaa Shirkii 2aad ee Golaha Guurtida lagu qabtay Dooxada Daahir Maadhiin ee galbeedka kaga beegan Rabaso. Hakad ayaa hawlihii Guurtida yar galay, waxaanu mar labaad golahaasi soo laba-kaclaynayaa bishii Ogos 1988kii markii gudaha laga soo jabay, shirkaas oo ku qabsoomay tuulada Caddaroosh. Waa mowduucyo aynu marar kale ku kulmi doonno.

Sheekadeennii hore ma ku noqonnaa intaa hadddii aynu mus-danbeed ka dhiganno.

Waxaan moodayay in aad haa tidhaahdeen. Waa hagaag, Aniguna waan idin ku raacsanahay. Bal haddaba maxaa dhacay?

Aan ku noqdo Yuusuf Meydal Cumar oo ka codasdo in uu inooga jawaabo su’aasha ah:

Sidee ayuu maalintaa dagaalku u dhacay?

Aan idiin kala baxo Yuusuf Meydal Cumar oo xusuustiisii idiin mariya, waxaanu yidhi:

“Annagu jiiddii hore ee difaaca ayaanu ku jirnay. Difaacayagu wuxu ahaa inta ama jiidda u dhexaysa meelaha la kala yidhaahdo Xabashi iyo Gufeys oo ku taal waddadii Qaaxo. Xilligaa waxaanu ku sugnayn waqti uu Ururka 1aad qayb ka mid ah ay is-yara qabteen madaxdii. Sidaa darteed Lixle iyo Ibraahin Kood-buurba waxa ay ku hawlanaayeen arrintaa maareynteeda. Habeennimadii waxa la diray 15 Mujaahid oo uu Xaammud watay, waxaana loo diray dareenkaa cadawga laga qabay in ay soo xaqiijiyaan. Waxay ahayd in ay soo hubiyaan in cadawgii ku soo diyaar-garoobay oo ku sugan yahay Qol-buulalle. ‘Lixle’ wuxu kula sii dardaarmay bal in ay soo hubiyaan in cadawgii ku soo dhammaaday Qol-buulalle iyo in uu weli isku soo urursanayo. ’Lixle’ markaa uu sahanka dirayay wuxu filayay in aan cadawgu ku soo wada dhammaan halkaa. Sidaa darteed ayuu miino ugu sii dhiibay si ay ugu soo aasaan meelaha gurmadkoodu soo marayo.  Laakiin Xaamud iyo colkiisii sahanku waxay war sugan ku heleen in cadawgii soo weerari lahaa dhammaan ku soo sugmay oo joogo Qol-buulalle. Markaa miinadiina sidaas ayay kula soo noqdeen.”

(La soco berri, haddii Eebbe idmo)