Xusbiga Wadani Laantisa Wadanka Belguim Waxay si wayn u cambaareenaysaa is hortaaga Madaxweynaha ee Xubinta Wadani ee koomishanka Doorashooyinka

Xusbiga wadani laantisa Wadanka Belguim waxay si mugleh u cambaareenaysaa is hortaaga madaxweynhahu kula kacay xubintii Xusbiga Wadani usoo igmadeen inuu ka mid noqdo Golaha Koomishanka doorashoooyinka ee qaranka, Madaxweynahu waxa uu si badheedh ah u beegsaday Dr Maxamed Cisman Fadal inuu ka ho is”rtaago inuu ka mid noqdo Golaha doorashooyinka taasoo aanu u aragno inay xeelad kale ku jirto iyo inaanu madaxweynahu iyo kaadiriintiisu rabin inay doorasho xor ah oo xaalal ahi wadanka ka qabsoonto, (free and free election). Xafiiska Wadani ee lanta Belguim waxuu si way u cambaaraynaa falkaasi

download

waxaananu leenahay  Madaxweyne ogolow wadanka in si sharafleh aad u qabato doorasho, umadii codkooga kugu dooratayna haysku dayin inaad ka hor istaagto waxay xaqa u leeyahiin ooo ah inay kolba cida ay u arkaan inay dantooda wado ay aayahooda ku aaminaan. 

Waxaynu ognahay xubnaha uu madaxweynahu soo gudbiyey in qaarkood ay ka mid yahiin Golaha Dhexe ee kulmiye qaarna ay shaqaale dowladeed oo agaasimo waaxeedyo madax ka ahi ay ku jiraan, miyeeyna kuwaasi sharcigu qabanayni mise arinku waa la jeefiyaana banaan la joojiyaana banaan. Waxaanu aaminsanay in Dr Fadal aanu cadaalad daro samaynin xilna aanu ka haynin wadani xiligan, xaqna uu u leeyahay inuu koomishanka ka mid noqdo.

Sidaasi darteed waxaanu madaxweynaha ku boorinaynaa inuu aqbalo xubinta wadani ay usoo igmatay Golaha Koommishanka Doorashooyinnka ee Dr Fadal. 

ALLAA MAHAD LEH

Abdi ayanle Ismacil Abib

AFhayeenka Wadani ee Wadamada Benulux 

Belguim/NL/Luxumbourg