Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay Inay Arrimaha Diiwaangalinta Sool iyo Sanaag Kala Tashatay Maamulka Gobolleedka Majeerteeniya  iyo Puntland Oo Uga Jawaabtay Si Jees-jees Ah.

“Puntland Waxaanu Ku Heshiinay In Aanay Carqaladeyn Hawsha Qaadashada Kaadhadhka Cod-Bixinta…” Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL

“Arrintaasi Wax Ka Jiraa Ma Jiraan Mana Ogolin In Gobolka Sool iyo Sanaag Wax Sanduuqyo La Keeno” Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland

Hargeysa (Somalilandtoday)-Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay heshiis la gaadhay maamul goboleedka Puntland, heshiiskaas oo ay ku sheegtay inuu khuseeyo in maamul goboleedka Puntland aanu wax qalalaase ah ka abuurin gobolada Sool iyo Sanaag mudada ay diiwaangalintu ka socoto.

Wasiirka arrimaha gudaha Yaasiin Maxamuud  Faratoon ayaa sheegay inay Maamul Gobolleedka Puntland ku heshiiyeen in aanay dhinacooda uga imanin wax Carqaladaynaya amniga Gobollada Sool iyo Sanaag muddada ay ka socoto Qaadashada Kaadhadhku “Puntland waxaanu u sheegaynaa, oo  aanu horena uga wada-hadalnay,  oo aanu si wanaagsana iskula  af-garanay  dhawaan mar aanu  is-aragnay, in ay arrintaa ilaaliyaan, oo mudadda aynu kaadh qaadashada ku jirno sidii hore u dhici jirtay aanay dhicin inay na carqaladeeyaan”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland.

Hase yeeshee maamul goboleedka Puntland ayaa beeniyey hadalka wasiirka arrimaha gudaha waxaanay ku hanjabeen inaan halkaas wax diiwaangalin ahi ka dhici doonin wixii ka yimaadana ay xukuumadda Somaliland damaanad qaadayso.

Wasiirka warfaafinta maamul goboleedka Puntland Cabdi Cali  Xirsi Qarjab  ayaa sheegay inaanay aqbaleyn wax sanaaduuqa oo Somaliland ay keento gobolada Sool iyo Sanaag.

Wasiirka warfaafinta boosaha iyo isgaadhsiinta maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Umada Soomaaliyeed waxaan uga digayaa inay midnimadooda iyo Soomaalinimadooda ka shaqeeyaan waxaanan halkan u soo fadhiistay inaan beeniyo hadal ka soo baxay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo uu shalay ka hadlay yidhina Puntland waxaanu hishiis kala nahay inaanu sanduuq keeno gobolka Sool iyo gobolka Sanaag arrintaasi wax ka jiraa ma jiraan mana ogolin in gobolka Sool iyo Sanaag wax sanduuqyo ah ay keento”

“Umada Soomaaliyeedna wax badan ayay dhib iyo burbur ku jirtay cidii halkaasi sanaaduuq keenta wixii dhib ah ee ka yimaada masuuliyadeeda iyada ayaa qaadaneysa Puntland-na dhulka ay xukunto wey difaaceysa dadweynaha gobolka Sool iyo Sanaag jooga iyo dadweynaha reer Puntland maanta carqalad ma rabto umada Soomaaliyeedna carqalad ma rabto hase ahaate wixii jiritaankooda iyo midnimadooda soo faro-galiya waa in loo diyaar garoobo waana in leyska difaaco dawladuna waa ay garab istaageysaa”Ayuu yidhi wasiir Cabdi Xirsi Cali Qarjab

Arrintan ayaa noqonaysa nusqaan wayn oo soo wajahday qaranimada Somaliland maadaama wasiir xukuumadda Somaliland ka tirsani uu si rasmi ah u cadeeyey in arrimaha dalka gudihiisa ay kala tashadeen maamul ka tirsan waddan kale, sidoo kale waxaa dhabar jab ku ah qaranimada jawaabta uu maamulka majeerteeniya ka bixiyey hadalka wasiirka, taasoo si cad u muujinaysa in hoos u dhac ku imanayo hanaanka dawladnimo sidoo kalena arrintan ayaa la micno ah in wasiir Faratoon aanu ehel u ahayn shaqadan loo dhiibay oo ka mid ah shaqooyinka ugu culus ee amniga iyo qaranimadu ku tiirsan yihiin.

Xigasho: Wargeyska Somalilandtoday