Xukuumadda Oo Iska Fogeysay Eedaymaha Ku Xidhiidhiyey Khilaafka Golaha Wakiilada

(SLT-Hargaysa) – Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Somaliland, Cali Xaamud Jibriil ayaa waxba kama jiraan ku tilaamay eedayntii Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee ahayd in Xukuumaddu faro galisay Golaha Wakiilada, wuxuuna Wasiirku sheegay in aanay Xukuumaddu shaqo ku lahayn khilaafka ka taagan Golahaasi.

xamuud-jibriil1

Wasiir Cali Xaamud Jibriil oo saxaafadda kula hadlaayay xafiiskiisa Hargeysa wuxuu yidhi “Arrinta uu Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI nagu eedeeyay (Xukuumadda) arrin Xukuumadda u taala maaha, waa arrin baarlamaanka gudihiisa ah”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi. “Arrintu waxay tahay xeer goluhu baas gareeyay oo 64 Xildhibaan u codeeyeen, xeerkaas ayay isku haystaan waana gudahooda.  Marka arrin Xukuumadda u taala maaha waa arrin Baarlamaanka u taala, cida ka doodaysa iyo cida hadlaysa waa Baarlamaanka gudihiisa, Guddoomiyaha Xisbiga WADANI markuu Madaarka joogay wuxuu yidhi annaga dhammaysanayna, inay gudahooda ku dhamaystan ayaanu annagu jecelnahay.  Intaan ka war qabo 48  Xildhibaan ayaa waraaq ula tagey Guddoomiyaha oo ay u gudbiyeen, ilaa hadana way ku heshiin la’ yihiin, marka arrin annaga noo taalla maaha. “

Wasiirka Xidhiidhka Golayaashu wuxuu intaas ku daray. ” Ta labaad dawladdu saddex dhadhaar ayay ka kooban tahay, Golaha Xukuumadda oo fulin ah, Golaha Sharci dajinta oo Baarlamaanka ah, iyo Golaha Garsoorka, marka arrintu waxay khusaysa saddexda dhadhaar golaha sharci dajinta, oo uu Madax ka yahay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) Marka waxaan leeyahay Guddoomiyihu arrin 82-Xildhibaan ee uu kamidka yahay dhex taalla oo ay dhamaysan kari waayeen inuu Xukuumadda kula soo meeraysto Maaha. “

 Xigasho Wargayska Somalilandtoday.