Xukuumadda Oo Iska Difaacdey Eedaymo Musuqmaasuq Oo Kaga Yimid Mid Ka Mid Ah Wasiirradii Bilaabey Iibka Dhulka Danta Guud Ee Caasimadda

Hargeysa (Somalilandtoday) – Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland Mud. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo si adag uga difaacay eedo Musuq maasuq oo ka soo yeedhay Siciid Sulub Maxamed, oo hore u ahaa wasiirka hawlaha guud ee xukuumaddii Daahir Rayaale.

ssulub

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa isbarbar dhig ku sameeyay dhismayaashi dawladda ee ay iibisay Xukuumaddii Madaxweyne Rayaale Kaahin iyo Xukuumadda  Madaxweyne Axmed Siilaanyo, isagoo su’aalona ku duray masuulyiintii hawshaas gacanta ku haysay.

Wasiir Maxamuud Xaashi oo arrimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi. “Rag waaweyn oo dadka xilal ka soo qabtay, oo xukuumaddii u dambeysay ka mid ahaa, oo taariikhdooda la yaaqaano, oo la akhriyey, ayaa isaga oo hadlayey wuxuu lahaa Xukuumad musuqmaasuq badan oo dalkii boobtay ayaa in haysata, dalkuna badbaado ayuu u baahan yahay, ummadda Somaliland ayaa ka markhaati kacaysa waxay ahaayeen iyo waxa aanu anagu nahay.”

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa intaas ku daray “Aqalo ayaa la iibin jiray lacagtana gaar ayaa loo qadan jiray qasnada dawladana laguma soo shubi jirin, waraaqaha dadka guryahaas laga iibiyeyna waxa lagu qorijiray Hibo. waa aqaladda laga dhisay Hindiyo Laynka, daaraha quruxda badan ee aad argteen, waynu u baahnayan oo magaalda bilic ayey ka sameeyeen, laakiin waxa laysku haystay Aqalka iibkiisa may ahayne, waxa ay ahayd hantida dakhliga ha lagu daro, oo ummadda wax ugu qabta, Aqladaas caawa wax lagu badalay ma hayno, anagu dee kuwii aanu iibinay waxbaanu ku badalnay”.

“Waxaa lagu qoray waraaqihii muwaadiniintaas la siiyey, hibo, waa maxay Hibo macnaheedu? Waa siin, lacagtiina waa laga qaaday waraqihiina waxa loogu qoray waa laydin siiyey, ragga waaweyan ee tijaarta ah ee maanta aqladaas dhisanayaa, ma Hibay u baahanyihiin?, Anagu hibo kuma qorno, guddida qandaraasyada Qaranka ayaanu marinaa marka wax la iibinayo, si xalaal ah ayaanu u iibinaa dakhliga ka soo xaroodana miisaniyadda ayaanu ku darnaa, waxna waanu ku qabanaa, haddii faylashayada la baadho markaanu tagnana mid walba halkii uu ka soo baxay iyo halkii uu galay waa la helayaa, oo hab xisaabeed ayuu leeyahay, nimanka hantidaa hore sidaa u galay maanta in ay xishoodaan oo khajilaan ayey ahayd, inay nala yooyootamaan may ahayn in qolooyin saaxadda siyaasadda ku cusubi ha nala murmeen ayaa haboonayd.” Ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi oo ka hadlayey munaasibad Shahaado sharafeed lagu guddoonsiiyey.

 Xigasho Wargayska Somalilandtoday.