Xukuumadda Oo Fannaanada Sahra Halgan U Diidey Qabashada Xuska Shuhadada SNM

(SLT-Hargeysa) – Fannaanada Caanka ah ee Sahra Halgan, ayaa sheegtay in xukuumaddu ka hor-joogsatay inay huteelkeeda Hiddo Dhowr ay ku qabato xuska 30 guurada shuhadada SNM, taasi oo ku beegan 17-ka bishan.

Fannaanada ayaa soo bandhigtay warqad ka soo baxday xafiiska Wasiir ku xigeenka Amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha, Cali Maxamed Cali (Gadh dheer), taasi oo uu ku war-geliyey inaan huteelkeeda lagu qaban Karin xuskaasi, laakiin lagu qabanayo huteelka Maansoor.

Qoraalkaasi oo la ogeysiiyey Wasiirka arrimaha gudaha, ayaa u dhignaa sidan “Sidaad ogtahayba waxaan kuu sheegayaa in qabashada xuska Shuhadada ay xaq u leedahay madaxda xafiiska Jimciyadda Sooyaal. Haddaba waxaan kula socodsiinayaa inay Madaxda xafiiska Jimciyadda Sooyaal xuska shuhadada ku qabanayaan Maansoor Huteel, sidaa daraadeed waxaan kula socodsiinaynayaa inaan huteelkaaga lagu qaban Karin wax xaflad ah oo ku saabsan shuhaadada SNM” ayuu Wasiir ku xigeenka Amnigu ku yidhi qoraalka uu gaadhsiiyey Sahra Halgan.

Sahra Halgan oo

Laakiin, Sahra Halgan, ayaa saxaaafadda u sheegtay in aanay jirin cid u diidi karta qabashada xuskaasi “Raggii Mujaahidiinta SNM ahaa ee Intaan u Heeso Dhamacda iyo Rasaasta ku Gurayey, ayaan Doonayaa In aan Xuso” ayay tidhi, waxayna intaasi ku dartay  “Anigu Waan Qabanayaa Xuska Shuhadada SNM Cid iidiidi Kartaan ma Jirto, Waayo Xaqbaan u leeyahay in aan Xasuusto aan Xuso SNM, Meelaha kal ee lagu xusayna waan ka qaybgalaya.”

Lama Oga ujeeddada loogu diiday inay qabato xuskaasi, laakiin Sahra Halgan ayaa hore ugu biirtay xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI.