Xukuumadda Oo Difaacday Musharaxnimada Madaxweynaha Oo Mugdi La Geliyay Iyo Guddoomiyaha KULMIYE Oo Maanta Ka Hadlaya

(SLT-Hargeysa) – Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-galinta somaliland Cabdi-waaxid Cabdi-qaadir Cabdi-raxmaan ayaa meesha ka saaray jiritaanka wararka sheegaya inuu Madaxweyne Siilaanyo ka tanaasulayo Musharaxnimada Madaxweynaha ee shanta sannadood ee soo socda.

Warbaahinta qaar ayaa bilowgii todobaadkan daabacay warar mugdi geliyay damaca Madaxweynaha, taasoo keentay inay Masuuliyiinta xukuumaddu ka difaacaan fagaareyaasha ay helaan fursada musharaxnimada Madaxweynaha iyo inaan waxba iska bedelin go’aankii uu hore ugu adkaystay.

unnamed (5)

 

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo shalay ka hadlayey Xaflad lgu qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa si adag u difaacay Musharaxnimada Madaxweynaha.

 “Waxa Maalmahan Warbaahinta ku jirtay inaanu madaxwaynaha somaliland isku Soo taagay Doorashada Danbe ee Fooda inagu soo haysa,Warkaas Meel Laga Keenay Garan Mayno Xukuumadana Kamuu iman,Madaxwaynaha somaliland Arinkaas lagama Maqal War Sal iyo Raad Toona Maaha.

Wasiir ku xigeenka wasaarada Warfaafinta somaliland Cabdi Waaxid Cabdi qaadir oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas waxa uu ku daray “Madaxwaynaha somaliland wuu sharaxan yahay,waxaana uu u sharaxan yahay waxa uu shacabka somaliland ka iibiyay.

“Madaxwaynuhu Markii aanu xilka hayn wixii uu umada u balan qaaday ee uu maanta markii uu talada qabtay kaga dhabeeyey ayaa uu Barina Marka Doorashada la gaadho iibin Doonaa,Waana u diyaar Madaxwaynahu inuu doorashada galo,Sanadkan soo socda isaga oo matalaya Musharaxa Xisbiga Kulmiye”.ayuu yidhi.

Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa hore u beeniyay warka ku saabsan tanaasulka Madaxweynaha ee Musharaxnimada, taasoo ay masuuliyiinta xukuumaddu ku tilmaameen boro-bogaando aan sal iyo raad toona lahayn.

Dhanka kale, ilo-wareedyo xog-ogaal ah ayaa Wargeyska Somalilandtoday u sheegay in maanta ahaan uu Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi uu isaguna ka hadlayo wararka sheegay in Madaxwaynuhu ka hadhay tartanka doorashada dambe.

 Xigasho: Wargayska Somalilandtoday