Xukuumadda Ciraaq Oo La Ansixiyay

(SLT-Baghdad)-Baarlamaanka Ciraaq ayaa aqbalay magacaawga musharaxiinta wasaaradaha arrimaha gudaha iyo difaaca taas oo dhameystireysa dowladda cusub oo ujeedkeedu yahay inay ka hortagto kobcidda ururka la baxay dowladda Islaamka.

Mudanayaasha Ciraaq ayaa aqbalay Maxamed Saliim Al-qaabaan, oo shiica ah, inuu noqdo wasiirka arrimaha gudaha, halka Khaalid Al-cubeydi, oo Sunni ah, uu noqdo wasiirka difaaca.

 

ci

Baarlamaanka ayaa diiday magacaabistii hore uu sameeyay ra’iisul wasaare Xeydar Al-cabadi. Gole cusub oo ay ku jiraan Sunnida ayaa loo arkay inuu muhiim u yahay tallaabada ugu horeysa ee looga hortagayo kooxada la baxday IS, gaar ahaan Sunnida Ciraaq ee laga tirada badan yahay.

Somalilantoday/Hargaysa/Office

Contact@Somalilantoday.com