Xukumadeena kala maan ..W/Q Guled Dhoola-Dahble

Markaynu daah qaadno xaqiiqda dalka ka jirta waxaad rumaysanysaa waaqica ay ku nool yihiin shacabka reer Somaliland iyo masuuliyad darada xukumada talada dalka haysa iyadoo ay jirto duruufaha kala duwan eek u xeeran shacabka

Maanta masuuliyintii dawladu waxay ku mashquuleen olole ka dhan ah xisbiga kulmiye waxa muuqata dayacaad wasaradaha iyo shaqaalaha dawlada oo badhkood ilaabeen masuliyadii ay umada u hayeen

Dakhliga dawladu badanaa laba meelood ayuu si buuxda uga soo gali jiiray dhanka koobad waa dakada berbara oo Dpworld ay la wareegtay taas oo ay ku ilaashanayso danaheeda gaarka ah oo aanay u imaan in ay balaadhiso shaqo abuur iyo dayac tir ay

ku samayso marsada dakada berabra
Waxa dhawanahanba soo if baxaysa ganacsigii oo istaagay hawlihii iyo maamulkii dekeda oo si buuxda u hawl gabay maraakiib bada taagan dhawr bilood waxay taasi ku tusinaysaa in dakhli badan oo ay dowladu ka heli jirtay dakeda ay si buuxda u istaageen

Dakhliga labaad waxa uu ahaa kastamada cashuuradka qaadka kaas oo ay dawladu ku kaabi jirtay dakhliga ka soobaxa ciidamada iyo shaqaalaha dawlada kuwaas oo si buuxda iyaguna u istaagay kadib dagaal ka dhex qarxay somalida iyo oramada iyo ganacsato badan oo lagu laayay goobihii qadka laga soo jarayay

Hadaba taasi waxay ku tusinaysaa in aanay dawladu war iyo wacaal toona u haynin waaqica ka jira xaqiiqda uu dalku ku sugan yahay

Si buxda waxa aynu u aragnaa xalada jirta maxaa ka danbeeya hadaba taas

Waxaa ka danbeeya in ay dawladu awood buxda u yeelanwaydo inay siiso mushaharaadka shaqaalaha iyo ciidankaba taasina waxay dhalinaysaa khalkhal amaanku dalku uu galo

Maxay hadaba xukumadeena kalamaan ee talada dalka gacanta ku haysa uga qorshaysan taas oo aynu ognahay warar hoose sheegayaan in ay amaah iyo olole ay ku jiraan masuliyinta dawladu

Maanta reer Somaliland gacantooda ayaay ku jiraan mustaqbalkoodu inay doortaan xukumad danaha shacabka ilaalisa iyo danta guud kana fikirta mustaqbalka guud ee dhalinyarada

Markaynu eegno sadexda xisbi qaran danaha shacbka iyo masayrkooda waxa dan u ah inay doortaan craxmaan c/laahi ciro.

Qalinkii: Guuled c/raxmaan Axmed