Xuduud Isticmaar Mise Xuduud Isirnnimo W/Q: Cali Cabdi Coomay

8/1/2018 ayey ciidanka Soomaalilaan ku ruqaansadeen deegaanka Tukaraq oo ay marto waddada ka baxda Laascaanood. Deegaankaasi waxa ka dhacay iska horimaad koobaan oo dhexmaray maleeshiyaad goob kaantarool ku lahaa halkaasi iyo ciidanka qaranka Soomaalilaan oo markii dambe gacanta ku dhigay Tukaraq. Masuuliyiinta Puntland intii ka hadashay isku dhacaasi waxa ay dhammaantood ka sinaayeen in ay Soomaalilaan ku soo xadgudubtay xuduudooda, oo ay u arkaan xuduud isirnnimo. Hasayeeshee ay doodoodu tahay mid jaban oo aanay caalamka meel taageero kaga helayn.

Maamul-goboleedka Puntland ayaa inta badan ku doodda in ay leeyihiin ama uu dhulkooda ka tirsan yahay gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle, oo xuduud isireed ahaan

iyaga raacsan. Waxa aanay ku tilmaamaan in ay Soomaalilaan sheegato xuduud Isticmaar inuu dhulkaasi raaciyey. Doodda noocan ahi waxa ay ku biyo shubataa qardo jeexnino, in aanay madaxda Puntland waxba ka ogayn taariikhda xuduudaha afrika ama ay yihiin qaar la sakhraamay saar qabiil. Xuduudaha afrika waa qaar laga dhaxlay gumaystayaashii afrika dhulkooda qaybsaday sannadkii 1884 ee loogu wanqalay (Partition of Africa).

Dal kastaa wuxuu qaranimadiisa iyo dawladinadiisa ku saleeyaa xuduudihii isticmaarku ka tegay oo ay caalami ahaana u aqoonsan yihiin Qaramada midoobay iyo beesha caalamku. Dhawaan ayaan mid ka mid ah Tilifiishannada Soomaalida ka daawaday dood ka socotay oo ku saabsanayd xuduudihii gumeystayaashu ka tegeen, doodda waxa ka qaybgalaya rag la soo xulay oo Barnmaamijka hordhiciisa lagu sheegay in ay yihiin aqoonyahanno u dhuundhaloola arrimaha xuduudaha caalamka, balse hordhacaasi uu ahaa hal bacaad lagu lisay markay doodda galeen. Qaarkood waxa ay ku doodeen inay xuduudaha afrika sameeyeen Qaramada midoobay iyo ururka midowga Afrika, waa yaab iyo amakaaga, in ay waxaasi ku doodaan raga aqoonyahanka lagu sheegay.

Nasiib wanaaga suxufigii doodda daadihinayey ayaa khadka Tilifoonka u furay dadkii ka qaybgelayey doodda, fursad ayaan u helay in aan la xidhiidho madashii doodu ka socotay, sidaasina waxa aan kula wadaagay sooyaalka xuduudaha afrika. Sidaasi si la mid ah dalalka koonfurta Ameerika iyo kuwa Aasiya waxa xuduudohooda jeexay dawladihii gumeysan jiray oo kala ahaa Ingiriiska, Spain iyo Faransiiska. Sidaasi darteed xuduudda u dhexaysa Soomaalilaan iyo Soomaaliya (Puntland), waxa ay la mid tahay kuwa u dhexeeya dalalka afrika, waana xuduud lama taabtaan ah xagga shuruucda caalamiga ah, waana kuwii ay wada jeexeen dawladaha Ingiriiska iyo Talyaanigu. Dhammaan 54 dal ee ay qaarada afrika ka kooban tahay waa kuwa ay xuduudahoodu ka dhasheen isticmaarkii, meelna kama soo helaysid xuduud isirnnimo ama reernnimo ku dhisan.

Xuduuduhu kuma salaysna Isirnnimo

Markaad eegto guud ahaan adduunka arka meysid dood xuduudheed reernnimo ku salaysan, balse waxa ay ku qotontaa dhul. Dadka ku nool dal waxa ay inta badan ku wada degan yihiin beelo kala duwan, bal eeg beelahan afrika ku nool iyo siday dalal kala duwan ugu nool yihiin:

= Beesha Xawsa—-Beeshani waxa ay kala degtaa dalalka Naygeeriya iyo Nayjar

= Beesha Yoruba—-Beeshani waxa ay kala degtaa dalalka Nayjar iyo Biniin

= Beesha Fulani—Beeshani waxa ay kala degtaa dalalka Suudaan, Sinigaal iyo Kamaruun

= Beesha Berbers..Beeshani waxa ay kala degtaa dalalka Marooko, Tuniisiya iyo Aljeeriya

=Beesha Bobo——–Beeshani waxa ay kala degtaa dalalka Burkiinofaso iyo Maali

= Beesha Maasay—-Beeshani waxa ay kala degtaa dalalka kiiniya iyo Tansaaniya

= Beesha Daarood—Beeshani waxa ay kala degtaa dalalka Soomaaliya, Soomaalilaan, Kiiniya iyo Itoobiya

= Beesha Isaaq—Beeshani waxa ay kala degtaa dalalka Soomaalilaan, Jabuuti, Itoobiya iyo Kiiniya

= Beesha Hawiye———Beeshani waxa ay kala degtaa dalalka Soomaaliya, Kiiniya iyo Itoobiya

= Beesha Raxanweyn—-Beeshani waxa ay kala degtaa dalalka Soomaaliya, Kiiniya iyo Itoobiya

= Beesha Canfarta———Beeshani waxa ay kala degtaa dalalka Jabuuti, Erateriya iyo Itoobiya

= Beesha Samaroon——-Beeshani waxa ay kala degtaa dalalka Soomaalilaan, Jabuuti iyo Itoobiya

= Beesha Gabooye——–Beeshani waxa ay kala degtaa dalalka Soomaalilaan, Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya iyo Kiiniya.

Soomaalilaan ma ahayd dalkii ugu horreeyey ee midowga dal ka baxa?

Jawaabtu waa maya, waayo midowgii weynaa ee Midowga Soofiyadka oo ka koobnaa 15 jamhuuriyadood ee la unkay sannadkii 1917 wuxuu burburay oo lagu kala tegay sannadkii 1989, markii lagu heshiin waayey. Waxaana ka dib dawladnnimadoodii dib u soo ceshaday dalalka, Georiga, Ukraine, Armenia, Uzbekistan, Lithuania, Estonia, Latvia iyo kuwa kale. Dhammaan dalalkaasi waxa lagu aqoonsaday xuduudihii ay lahaayeen ka hor midowgii Soofiyadka. Federaalkii Yugoslavia oo ka koobnaa 8 jamhuuriyadood ayaa isna burburay markii lagu heshiin waayey, ee ay dagaallo qadhaadhi ka curteen, waxa aanu u kala baxay, Serbia, Croatia, Bosnia-Herzegovina, Macedonia, Slovenia, Kosovo iyo kuwa kale. Sidaasi darteed dal kasta oo saluuga midowga uu dal kale la galay dib ayuu uga noqdaa, oo dawladnnimadiisii u soo ceshadaa, Soomaalilaana kuwaasi ayey la mid tahay.

Dadka qaarkii ayaa ku doodda in ay Soomaalilaan iyo Soomaaliya marnaba kala noqon Karin laba dal, waayo iyaga oo wadaaga dhaqan, af, diin iyo midab, haddii ay doodaasi run noqon lahayd waxa midoobi lahaa 17 dal ee Carbeed ee kala madaxabannaan ee kala ah, Sucuudi Arabiya, Masar, Baxrayn, Qadar, Urdun, Liibiya, Marooko, Cumaan, Suuriya, Tuuniisiya, Kuweyd, Lubnaan, Imaaraadka, Yaman, Suudaan, Aljeeriya iyo Ciraaq. Dhammaan dalalkani waxa ay wadaagaan diin, af, dhaqan iyo midab. Markay samaystaan “ CARABWEYN” ayey Soomaalidu samaysanaysaa” SOOMAALIWEYN”. F.G= Qoraalkan intiisa badan waxa aan ka soo xigtay qoraal dheer oo taxane ahaa oo uu diyaariyey Ibraain Xasan Gaagaale.

Cali Cabdi Coomay, Suxufi, qoraa ah,

Hargaysa, Soomaalilaan. Calicoomay@hotmail.com