Xubno Ka Tirsan Odayaasha Beesha Rer Biniin (Axmed Faarax) Oo Beeniyay Warar Ku Soo Baxay Saxaafadda.

(SLT-London) Qaar ka tirsan odayaasha iyo waxgaradka Beesha rer Beenin oo ka tirsan beelaha (Axmed Faarax) ayaa beeniyay warar ku soo baxay Saxaafadda oo siday shegeen lagaga been abuurtay magacyadooda, qoraal uu ku saxeexanyahay Muj: Maxamed Yuusuf Liiban oo nuqul kamid ah u nasoo gaadhsiiyay ayaa u dhignaa sidan.

unnamed (3)

“Annaga oo ah odaashii reer biniin magacyadooda lugu soo qoray websiyada waxaanu caddaynanaa in aan shirkaasi ahayn sida loo shaaciyay

(1) Shirkaasi muu ahayn shir reerku misankiisu isugi yimi ee waxa ahaa shir ashqaas reerka ka mid ahi  iska ga arkeen arinta waqooyiga burco ka taaagan

(2) Shirkaas muu ahayn mid lagu doortay gudoomiye iyo afhayeentoonana cid gudoomiye iyo afhayeen hore u ahaydna kama soo qabgalin shirkaas  mana ahayn  mid  dawladda lagu canbaaraynaa yay sababta oo ah  tiroba shan  goor oo kaladuwan duwan  bay go,aamiyeen dawladan iyo dawladii ka horaysayba in uu yahay duldaaqsibeed hadaba  waxaanu, soo bandhigay  go,aanadii  kala  duwanaa ee laysku  raacay   tan iyo 2007 ilaa 2014 oo dhamaan tood  xukumay dhul daaqsimeed.  In saxaafada madaxa banan  la soo hordhigo. Si  dadka  Somaliland xogagaal loogadhigo .

(3) hadaba waxaanu ka raaligelinaynaa cid kasta oo akhrisatay qoraalkaa  in uu ahaai  qoraal ashqaas gaar ihi qoreen

(4 ) dadka liisk ku qoran qaar badan oo kamid ahi  goob goog may ahayn , inta jog tayna   wixii la shaaci yay kama warqabin.

 Hadaba dibaatada   manta taagan waxaanu u aragnaa xubnihii guurtida ahaa ee ugudenbeeyay kuwass oo ka horyimi   shantii heshiis   oo geesmray  lana garanyn   waxay u cuskadeen ama ku dhiseen  xukunkooda

Hadaba   waxaan  halakan ugu  soo  gudbinayna  saxaafada  Madaxa  banaan,iyo  dadwaynaha  Soomaaliland  Inta  Samaha  Jecel in  Sharci  darada   Go,aanka  Golaha  guurtidu  kasoo  saartay  baliga  diiriye  Guuleed,  aanu noqan wax bulshada iska horkeena . waxaanu kaloo ka waaninaynaa dadka aan walidood arag goobtaas dhibta yari ka jirto ee haddana isku diraye laba reer ee walaala ah ee isugu jirah madaxdhaqameedka iyo siyaasiinta

Hoos ka akhriso go, aamadii goortidu geesmartay

vwaxay  Guddigu  Meesha  kasaartay,  oo  Indhaha  Ka  lalaisay  Heshiiska  sharciga  ah  ee  Ku  Tr 05/04/2007..ee  kasoo  baxay  Nootaayo  sharci  ah,  Heshiiskaas  oo laga  Diiwaangeliyay,  lagana  ansixiyay  Maxkamada  Degmada  Burco.uuna  Diiwaangeliyay  Guddoomiyaha  maxkamada  Goboplka  Togdheer,  oo  Markaas  ahaa    Guddoomiyaha  Maxkamada  Degmada  Burco.   Iyadoo  sharciga  dalka  u  yaalaa  dhigayo  go,aan  maxkamadeed  waxa  Buriya   Maxkamada  ka  saraysa  oo  keliya.

vWaxay  Guddigu  Meesha   ka  saartay    Go,aanka   Labada  dhinac  ee  ku  tr  22/10/2012  ee  ka  soo  baxay  xafiiska  Guddoomiyaha  Maamulka  Gobolka  togdheer  REF/XMG/G/53/357/ ,  kaasoo   labada  ardaaba  lagaga  saxeexay  In  aanay  qolona  waxba  ka  dhisi  karin     Baliga  Diiiriye  Guuleed.

vWaxay Guddiga  Golaha  Guurtidu  meesha  ka  saarreen   warrqada  kasoo  baxday    Xarunta  maamulka  Gobolka  oo  Ref/XMGT/G/24/2013   ee  Axmed  C/laahi  Xamarji  Ku  baabi,iyay     Degaamaynta  Cusub ee  Booraamo  iyo  Dindiinta  dhexdooda.

vWaxay  Guddigu  meesha  ka  saartay Go,aankii  Gudiga  wasiirada  ah ee  ku  tr 13-august2014,  eayna  wasiiradu  ku  cadeeyeen  In  Dhulka  u  dhaxeeya    Dindiinta  iyo  Booraamo  inuu  yahay  xoolo  Daaqeen.

vwaxay   Golaha  guurtidu  Meesha  ka  saareen  in  Markii    La  Aasayay    Baliga  kalshaale,  in  Dawladu   U  Cuskatay  Ilaalinta  Degaanka.

vwaxay  Gudiga  Qaaday  Go,aankan  Baadilka  ahi  meesha  ka  saartay Go,aanka  dawliga  ahaa  ee  Lagu  mamnuucay  in  Dhul Danbe  la  degaameeyo,  Goaankaas oo  yaala  wasaarada  Degaanka

vWaxay  Guddigu  Tixgelisay  Hadaladii  Iyo  hanjabaadihii  kasoo  baxay  Rag  aan  xog  Iyo  Xaal  ka  hayan  degaanka  ,  lyo hadaladii  ay  la  Soo  fadhiyeen  Tiifiiyada.”

 

Mujaahid Maxamed Yuusuf Liibaan