Xubno Ka Mid Ah Garabka Haweenka Heer Qaran Ee Xisbiga Waddani Oo Xaaji Cabdi Waraabe Oo Xanuunsanaya Gurigiisa Ku Booqday.+SAWIRRO

(SLT-Hargaysa) Xubno ka mid ah Garabka Hawenka Heer Qaran ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa maanta booqasho ugu tagay Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo mudooyinkii u dambeeyey Xanuunsanayey.

Xubnahan Booqashada ugu tagay Xaaji Cabdi Waraabe oo ah Xildhibaanka ugu da’da weyn Golaha Guuritda Somaliland oo xanuunsanaya ayaa waxa haweenkan garabka Haweeenka ee xisbiga Waddani horkacaysay Marwo Kaltuun oo ah Gudoomiye ku xigeenka garabka haweenka heer qaran ee xisbiga Waddani iyo Faadumo Suudi Xasan oo ah la taliyaha arimaha dhaqaalaha ee gudoomiyaha xisbiga Waddani.

Waxaanay dhamaantood Illaahay uga Baryeen inuu Caafimaad Sareeca uu siiyo, Xanuunkana uu ka dulqaado, Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo xanuun u jiifay mudooyinkii u dambeeyey.