“Xoriyada Saxaafadu Maaha ku Xad-gudubka Xurmada Qofka iyo Sheegida War aan Sal iyo Raad lahayn”. Wasiirka Madaxtooyada Oo Ka Hadlay Warar Been Abuur Ah Oo Mareegaha Qaar Baahiyeen.

(SLT-Hargaysa) Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland, Mud. Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Saxaafadda qaar noqoto day-day qalineed. Wasiirku wuxuu si kulul u beeniyay warar lagu baahiyay Mareegta Iternetka ee Hadhwanaagnews, warar kaas oo uu ku sheegay been abuur  aan loo midaan dayin. Wasiir Xirsi Xali Xaji Xasan oo qoraal uu ku baahiyay bartuu ku leeyahay Shabakadda bulshada ee Facebook-ga, ayaa u dhignaa isagoo dhammaystiran sidan.

10633290_753854311354566_1244558240061193604_o

“ Waxaan Kula Talin Lahaa Shabakada Hadhwanaagnews In Ay Bartaan Qaabka War Qorida Oo Ay Soo Waraystaan Dhinacayada kala duwan, Waa Hadii Ay Dhawrayaan Akhlaaqiyaadka War Qorida “Ethics” balse aanay noqon Dayday Qalin”

Sida aynu ognahay dunidu maanta waxay ku sii dhawaanaysaa nidaam sahlaya in dadku ku wada noolaadaan sidii qol kaliya “Globalization” , taasina waxay aad kor u qaadaysaa doorka saxaafada adeegsanaysa warbaahinta qaybaheeda kala duwan.

Hadaba, sida aynu la socono saxaafadu waa iftiin caawiya wixii saxsan isla markaana toosh weyn saara wixii qaldan taasi oo looga dan leeyahay in keliya wax saxmaan .

Ujeedada laga leeyahay Saxaafadu waxay ka bilaabantaa kuna dhamaataa Wax toosin iyo tilmaamid! Balse waxaa muuqanaysa in nidaamkaas ay baal marayso Shabakada Hadhwanaagnews isla markaana wixii wanaagsan aanu u cuntamin taas bedalkeedana jecel yihiin sheegida war aan sal iyo raad toona lahayn oo aanan garanayn cida ku farxsaysa!

Waxaan la yaabay markaan akhriyey maqaalka aan halkan ku soo lifaaqay kaasi oo ay ku sheegeen in aan 180,000 oo lacagta Pound-ka ah aan uugu deeqay ganacsade London Hotel ku leh oo ganacsigii ka xidhmayey waa siday hadalka u dhigeene!

http://hadhwanaagnews.ca/detail.aspx?id=140842#sthash.u6T168K0

Sidoo kalena ay dhaliil iyo lacag lumin ka tilmaameen in aan Arday
Qalinjabisay wada qaadanay kulamo aan uga dan lahaa dhiirigelin, guubaabin, duco iyo la farxad qaybsi!

Si xun Wax u Sheeg sixir ka darane, waxaan qalinka u qaatay in aan si buuxda u beeniyo warkaas awalba beenta ahaa!

Ujeedadaydu maaha oo kaliya in aan maqaalkaas ka dareen celiyo oo aan beeniyo balse waxaan uuga dan leeyahay marka dambe ee ay damcaan in ay war qoraan in ay bartaan qaabka war qorida oo ay soo waraystaan dhinaca kalena, waa hadii ay dhawrayaan
akhlaaqiyaadka war qorida “Ethics” balse aanay noqon dayday qalin!

Waxaynu ognahay marka aad doonayso in aad qof wax ka qorto wuxuu qofku xaq u leeyahay in aad waydiiso in uu warkaas iska difaaco iyo in uu qaato, balse aanay ahayn in aad qofka maskaxdaada oo keliya ku qiimayso.

Anigu naftayda waligay uma damqan oo qoraalka qalinka qaldan ima niyad jabiyo balse waxaa I damqaysa in Ganacsatada halkii looga ducayn lahaa waa la caawiyey cay laga dhigo iyadoo aanay dhicinba sidoo kalena la farxida Aqoonyahanka dalka u soo qalinjabiyey laga dayriyo!

Waxaan u hambalyeynayaa Saxaafadda kala duwan ee ka hawlgasha dalkeena Somaliland oo in badan oo kamida u dhaqmaan si xirfad badan ka muuqato inta kalena waxaan rajaynayaa in ay xoriyada badan ee dalkeenu siiyay aanay si qaldan u isticmaalin.

Dhamaan Ganacsatada kala duwan ee dalka iyo dibediisaba ku nool waxaan u rajaynayaa in Alle u Barakeeyo Ganacsigooda isla markaana kobciyo.

Wa Bilaahi Tawfiiq.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office.