Xoghayaha Maaliyada Xisbiga Waddani Oo Booqday Dadka Bukaan Jiifka Ah Ee Cusbitaalka Laascaanood Iyo Deeqo Uu Gaadhsiiyey+SAWIRRO

(SLT-Laascaanood,– Xoghayaha Maaliyada Xisbiga Waddani Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa booqday dadka bukaan jiifka ah ee cusbitaalka magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kaas oo u kuurgalay xaalada ay ku sugan yihiin dadkaasi Bukaan Jiifka ahi, waxaanu gudoonsiiyey deeq lacag ah.

Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Xoghayaha Maaliyada ee xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa intii uu ku gudo jiray booqashada uu maanta ugu tagay dadka Bukaan Jiifka ah ee Cusbitaalka magaalada Laascaanood ayaa waxa ku wehelinayey masuuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga Waddani, waxaanu Xoghaye Cabdirisaaq uu dadka Bukaanka ah ee ku jira cusbitaalka Laascaanood uu ku wareejiyey deeq lacag ah oo xisbiga Waddani uu ugu talo galay dadkaasi.

Booqashadan ayaa daba socotay Socdaal maalintii shalay Xoghayaha Maaliyada ee xisiga Waddani uu ku tagay Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo dadweynaha iyo taageerayaasha xisbiga Waddani ee gobolkaasi ay si aan kala hadh lahayn u soo dhaweeyeen Xoghayaha.

Waxaana la filayaa in maalmaha soo socda uu xoghayuhu kulano iyo booqashooyin noocan ah uu ugu kuurgalayo xaalada ay ku sugan yihiin dadka deegaankaasi Gobolka Sool uu halkaasi usii joogo.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office