Xoghaya Guud Ee Qaramada Midoobay Oo Jeediyay Khudbad Uu Kaga Hadlayay Taay Iyo Sharabaado Uu Soo Xidhay.

(SLT-New York)-Xoghayaya Guud ee Jamciyada Quurmaha ka dhexeysa oo ka hadlayay shir ururkaasi golihiisa amaanka uu yeeshay ayaa ugu horeyn salaamay xubnaha ururkaasi ee joogay shirka isaga oo intaa dabadeedna ka sheekeeyay booqasho uu ku tegay Qaza halkaas oo uu sheegay in iminka ay qaramada midoobay diyaarineyso dadaalo dib loogu dhisayo ka dib dagaalo aafeeyay magaaladaasi iyo dadka ku nool.

Waxa uu sheegay in uu arkay oo uu dareemay burburka ka dhacay magaaladan tan  iyo markii uu joogsaday dagaalkii u dhexeeyay askarta Yuhuuda iyo dagaalyahanada ururka Xamaas, waxa uu intaasi ku daray in dhaqaalaha iyo kaabayaashe dhaqaale ee magaladaasi ay gebi ahaanba burbureen.

Waxa uu ka warbixiyay kulan uu la qaatay hooyooyin dhalay in ka badan 500 oo caruur ah oo lagu dilay dagaaladii ugu danbeeyay ee Qaza ku dhexmaray Yuhuuda iyo dagaalyhanada dhaqdhaqaaqa Xamaas ee Reer-Falastiin iyo sidoo kale dad farabadan oo ku hoyla’ Qaza ka dib markii ay burbureen guryahoodu iyada oo iminka Qaza lagu jiro xiligii jiilaalka oo dhaxan aad u badani ay dhacayso.

 

b

Shirkii ka dhacay Qaahira ayaa ay dunidu ugu deeqday dib u dhiska Qaza lacag kor u dhaafeysa $5.4 Billion oo doolarka Maraykanka ah, iyada oo la filayo in magaaladaasi la gaadhsiiyo agabka dhismaha iyo sidoo kale adeegyo kale oo lagama maarmaan u ah nolosha dadka Falastiiniyiinta ah ee ku tabaaloobay dagaaladii u dhexeeyay ururka Xamaas iyo ciidanka Yuhuuda.

Xoghayaha guud waxa uu sharaxaad badan ka bixiyay waxyaabihii uu ku soo arkay Qaza isaga oo sheegay in gantaalada Xamaas ay ku rido Israaiil ay qayb ka yihiin waxyaabaha sii cakiraya colaada ka taagan bariga dhexe ; gaar ahaan ta ka dhexeysa Falastiiniyiinta iyo Israaiil isaga oo dunida markale ka codsaday in laga dhabeeyo balanqaadyadii loo sameeyay Reer-Qaza intii uu socday shirkii Qaahira.

Ugu danbeyntii Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa xubnihii fadhiyay shirka qaramada midoobay ka horsheegay in uu doonayo in dareenka dadka fadhiya shirka uu u soo jeediyo in ay arkaan Taayga iyo sharaabada uu xidhnaa.

Waxa uu sheegay in inta badan uu xidho taay midabkiisu yahay buluug oo ah astaanta qaramada midoobay, isaga oo intaasi ku daray in uu xili sii horeysay xidhay taay midabkiisu yahay huruud si uu taageero ugu muujiyo dadaalada lagu doonayo in lagu soo gabagabeeyo tacadiyada dumarka lagula kaco.
“Waxaan maanta xidhanahay Taay iyo Sharabaado buluug Maareey ah, waa midabka aan doortay maanta kaas oo looga arko Qaramada midoobay iyo dalal kale oo farabadan in uu yahay midnimo iyo soo dhaweyn loo muujiyo dumarka iyo raga u taga dadka ay isku jinsiga yihiin, sidoo kale dadka labeebyada ah kuwaas oo wajaha dhibaatooyin lagula kaco iyo takoor ka soo wajahaya bulshooyinka ay la noolyihiin” Sidaasi waxaa yidhi xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban K-Moon.

Waxa uu xoghaya guud sheegay in Qaramada midoobay ay u hadli doonto dadka sida gaarka ah looga sooco bulshooyinka intooda kale si gebi ahaanba meesha looga saaro cuqdada ka dhanka ah dadka dhaqamada kala duwan kala soo dhexbaxa bulshooyinka ay ku dhexnoolyihiin taas oo baalmarsan diimaha iyo dhaqamada wanaagsan ee bulshooyinku ku soo caana maaleen.

Maxamed Aadan

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday