Cige iyo Caraale: Xaabsade iyo Hasha labada geel jecel

Caraale: Waar waa ninkii Cige ee la waaye waar xageed ka dhacday
Cige: waxaan baryahan darsa khiyaamooiyinka naf lacaaridka ah ee Kulmiye doonayo inuu ku
musuqmaasaqo doorashooyinka soo socda.
Caraale:

Odayga habarta wax loo saar oo maxaa ka mid ah
Cige: laguu sheegimaaye sheeko kale ma haysa.
Caraale : Maxaad dhagaysanaysay maanta.
Cige: Xaabsade mar uu London kula hadlaaye Jaaliyada reer Somaliland, ee bal illa dhagayso

Caraale: maxaad ku keentay.
Cige: Waxaan dhagaystay hadal uu u jeedinaaya RW Somalia magaalda Garowe ee Somalia
waa kaaf iyo kala dheeri berigaa,, iyo imika waxa uu ka hadlaya,waxaa uu maalintaa qiraya
in Somalia iyo Somaliland lakala saaray oo la ictiraafay.maantana wuu dafiray
Caraale: waxuu inoola yimidi hadal uu Cabdiweli Gaas u soo dhiibay.
Cige; Hadaa waa maamulkii uu dagaalkaan ogaa la galay ee gacanta weyn ku lahaa maaamul
fidinta gobolada bariga Somaliland.

Caraale; waxaa uu u haysta in wax laga dhagaysanaayo adeer meesha Majooratiga ayaa la raacaya
Gobalada uu sheeganayana dad badan oo Somaliland raacsan ayaa jira isna wuu ogyahay.
Cige: adeer gari Allay taqaanaaye xukuumada Kulmiye dudmada ninkaa iyo qaar kalaba waxbay ku
leedahay,ninkan iyo Kaysaba in badan aye hadleen markaasaan cidana ka hoos qaadin
dhagsyso Xaabsade oo arinka ka hadlaaya


Caraale: Mushkilada meesha ku jirta waxay tahay siyaasiyiinta beriga Somaliland iyaga ugu wacan in ay
talada wadanka iyo xukunka qayb libaax ku yeeshaan ama gacantaba ku dhigaan,waxay ka
dhamaan waayeen waxba lanama siiyo ,may iyagu horta si fiican isu maamulaan oo beelaha galbeedka iyo dhexe qaarkood xulafaysi la samaystaan si xisbi xoog lihi ugu soo baxo ,waxaan hubaa in ay
Madxweyne ku soo bixi lahaayeen,laakin hadii ay marti iska dhigaan,nin malqacd dahab
wax lagu siin maayo.
Cige: waa kuwi ismaamulay ee ururka xaqsoor badidoodo galay ee Kulmiye boobay
Caraale: anigu u malaynmaay arin uu dhulbaahante u dhanyahay ama hartiba in hawl yaridaa
loo boobi lahaa ee iyagaan u dhamayn

waar anigu wax kale odhan maaye Xaabsade waxaan u dalbaday heestii fanaankii reer Somalia

Maxamad Cali

Mohamed Ali <weerar.2013@yahoo.com