Xisbiga WADDANI Oo Xaflad Soo Dhaweyn Ah U Qabtay Masuuliyiin Xildhibaano Iyo Tagerayaal Ku Soo Biiray.+SAWIRO

(SLT-Hargaysa):- Xaflad aad u heer sareysa oo Xisbiga WADDANI ku soo dhaweynaayo siyaasiyiin, wax-garad, aqoonyahan iyo weli ba haween, dhallinyaro iyo taageerayaal baaxad weyn oo aad u tira badan oo ka soo jeeda beelaha Gaashaan-buur ee Ciidagale kana soo diga-rogtay Xisbiyada KULMIYE iyo UCID, ayaa maanta ka qabsoontay hotel Guuleed ee magaalada Hargeysa. Siyaasiyiintan, xildhibbaanadan iyo wax-garadkan tirada badan oo uu hoggaaminaayey Xildhibbaan qeylo-weyne, ayaa waxa xafladdooda ka soo qeyb-galay Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Cirro, Siyaasi Buubaa, xubno tiro badan oo ka tirsan hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo weli ba sida oo kale dadweyne aad u tira badan.

Qaar ka mid ah madaxdii iyo taageerayaashii ku soo biiray Xisbiga WADDANI, ayaa dhammaantood ba cod dheer ku sheegay in ay ku faraxsan yihiinku soo biiri-taankooda Xisbiga WADDANI iyaga oo tilmaamay in ay u arkaan in uu yahay Xisbiga badbaada Somaliland iyo weli ba sida oo kale in uu yahay Xisbiga keliya ee dalka gaadhsiin kara horumar laga tanaado iyo Ictiraaf dhaba. Siyaasi Ismaaciil Buubaa iyo Madax kale oo tira badan oo iyagu dhankooda halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay ku si aada u soo dhaweynayaan taageerayaasha ku soo biiray Xisbiga WADDANI, waxaana ay cududan ku soo biirtay Xisbiga ay ku siffeeyeen in ay tilmaan u tahay guusha Xisbiga WADDANI ee doorashada soo socoto.

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa si aada u soo dhaweeyey taageerayaashaasi isaga oo sheegay in ku soo dhaweynaayo Xisbiga WADDANI oo uu tilmaamay in uu yahay Xisbi aan la kala lahayn isla mar ahaantaana uu ku faraxsan yahay in beesha maanta ku soo biirtay ay ka mid tahay beelahii asal ahaan aas aasay Xisbiga WADDANI.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office