Xisbiga WADDANI Oo Soo Jeediyey In Baadhitaan Lagu Sameeyo Mashruucii Biyo Ballaadhinta ee Xukuumaddu Sheegtay Inuu Fashilmay

Sidoo kale waxay arrintan ku macneeyeen siyaasadda Xukuumadda Biixi

Hargeysa (Somalilandtoday)-Cabdillaahi Axmed Maxamed (Daamur) oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa si adag u dhaliilay hadalkii ka soo yeedhay wasiirka horumarinta biyaha kaasoo sheegay inaan wax biyaha ah o Hargeysa loo soo saarayaa jirin.

Cabdillaahi ayaa arrintaasi ku tilmaamay mid laga yaxyaxo isla markaana aad looga xumaado, waxaana uu sheegay inay tahay arrin ula kac ah oo ay xukuumadani ugu quus gonayso shacbiga 20-ka sano rejaynayay inay mar uun biyo ku filan helaan “Arrimaha uu wasiirku sheegay runtii waa arrimo aad looga yax-yaxo weeye arrimo cimiyeedna ma ahayn, waxaan qabaa arrimahan todobaadkan soo baxayay ee quusgoynta ah ee shacbiga rejada lagaga jarayo inay yihiin arrimo ula kac ah, ee aan ahayn kuwo iska soo baxaya, waayo in la yidhaahdo xafiis lacagtii umaddii lagu shubanayo iyo in la yidhaahdo Hargeysa biyihii la sugayay gabi ahaanba ma jiraan labaduba waa laba nabar oo aad u waaweyn” Siyaasi Cabdillaahi Daamur oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi ku daray:

“Adeer ubadkaagu haddii ay laba gacmood ku maydhaan oo beertaada aad waraabsato, dadbaa iyagu waxay cabaan ba hayn caasimaddiina kula jooga, miyaanad damiirka ka shaqaysiinayn, waxaa adiga lagaa rabaa inaad biyo keento, biyihii dadku bixiyeen baad haysataa, waxaasi inaga shaqayn maayaan ee waa inaynu baadhitaan rasmi ah ku samaynaa hantidaa umaddu ina siisay dadkii loogu talo galay inay gaadho” .

Inta badan shacbiga reer Hargeysa ayay la yaab ku noqotay in xukuumaddu si cad u sheegto in mashruucii biyo balaadhintu fashilmay, waxaana ay  u muuqdaan kuwo dulqaadkii iyo rejadii ba ka sii dhamaanayaan.

Xigasho: Wargeyska Somalilandtoday