Xisbiga Waddani Oo Hargeysa Ku Soo Dhaweeyey Masuuliyiinta Laamaha UK Iyo Qaarada Yurub ee Xisbiga Oo Ka Qaybqaadan Doona Hawlaha Ololaha Iyo Doorashada.+SAWIRRao

(SLT-Hargaysa) Masuuliyiin uu horkacayo Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga Waddani ayaa magaalada Hargeysa ku soo Dhaweeyey Masuuliyiin ka tirsan xisbiga Waddani oo ka soo kicitimay magaalada London ee dalka UK iyo qaybo ka mid ah qaarada Yurub.

Waxaana weftigan ka soo dagay magaalada Hargeysa hogaaminayey Xoghayaha laamaha dibada ee xisbiga Waddani Axmed Cali Naahi, Xidhiidhiyaha laamaha dibada ee Axmed Naasir iyo Xoghayaha Saxaafada ee Qaarada Yurub ee xisbiga WaddaniAxmed Carab, waxaana garoonka diyaaradaha ee Hargeysa ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka kala socda garabada xisbiga Waddani.

Soo dhaweynta masuuliyiintan waxa ugu horayn halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga Waddani, Mudane Xuseen Aadan Cade “Maanta waxaynu soo dhaweynaynaa saddex Axmed, Xoghayaha laamaha dibada Axmed Cali Naahi, Xidhiidhiyaha laamaha dibada ee qaarada Yurub Axmed Naasir iyo Xoghayaha Saxaafada ee Qaarada Yurub Axmed Carab, waxaanu ku soo dhaweynaynaa gacmo furan oo in badan xisbiga ka mid ahaa laamaha dibada.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha xisbiga Waddani ee Gobolka Maroodi-jeex, Xuseen Aadan Cade.


Sidoo kale waxa isaguna soo dhaweynta masuuliyiintaasi ka hadlay Kaaliyaha Warbaahinta ee murashaxa xisbiga Waddani, Muniir Axmed Cigaal waxaanu yidhi “maanta waxaanu halkan ku soo dhaweynaynaa xubno muhiim ah oo xisbiga qaali ku ah oo door weyn ka soo qaatay xisbiga. Sidaad ogtihiin xisbigu debed iyo gudoba wuu ka dhisan yahay, markaa runtii xubno door weyn dibada ka soo qatay imikana aanu filayno inay nala mataanoobi doonaan oo ay door weyn ka qaadan doonaan ayaanu filaynaa.” Ayuu yidhi Siyaasi Muniir Axmed Cigaal.

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Xoghayaha dhalinyarada iyo ciyaaraha ee xisbiga Waddani Yoonis Axmed Yoonis kaas oo sheegay in door muuqda ay qurba joogtu ku leedahay xisbigu, waxaanu leenahay soo dhawaada.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office