“Xisbiga KULMIYE Waxa Madaxweyne Ka Ah Muuse Biixi, Waxa Ku-xigeen U Ah Maxamed Kaahin Labadooduba Waxay Ku Suntan Yihiin Dagaalkii Cabdiraxmaan Lagu Qaaday Iyo Kii Lagu Qaaday Cigaal Iyo Garxajisiyadii” Faysal

(SLT-Hargeysa)-Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Muuse in aanu soo dhisin xukumad dadka u caddaalad samaynaysa waxaanu sharraxay halka ay salka ku hayso qaylada ka soo yeedhaysa bulshada Garxajis. Waxa uu sheegay in Madaxweyne Muuse iyo Maxamed Kaahin ku suntan yihiin mucaaradadii lagu qaaday xukumaddii Cabdiraxmaan Tuur AHUN.


Eng Faysal oo xalay ka hadlayay kulan lagu qabtay hotelka Maansoor oo Madasha Wadatashigu abaabushay kuna saabsan isu soo dhawaynta bulshadu wuxuu sheegay in kulankan ahaa mid hotelka ee Bariga Hargeysa lagu qabto “Anigu waxaan islahaa ha hadlin inta maamulka Muuse Biixi gaadhayo 100 maalmood laakiin, waxaan ka yaaba in la islaba gaadhi waayo marka waan hadlaya, waynu kala qoqobanahay oo waxa daantaasi qabto ma ogidin waxa aad idinku qabtaana daantaasi ma oga” Sidaas ayuu yidhi Eng Faysal.

Eng Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in kala qaybsanaanta siyaasadeed ee maanta ka taaggan Somaliland bilaamatay xilligii dalka la xoreeyay ee SNM markii mucaaradad lagala hor taggay xukumaddii u horaysay ee Cabdiraxmaan Tuur taas oo markii dambe sababtay dagaal Sokeeye iyo in bulshadu kala irdhowdo.

Waxa uu guddoomiyuhu sheegay in sansaanka maanta taaggan yahay jawigii 1993 haddii aan wax laga qabana uu dhacayo mid la mid ah dagaalkii 1994 “Xisbiga Kulmiye waxa Madaxweyne ka ah Muuse Biixi, waxa ku xigeen u ah Maxamed Kaahin labadooduba waxay ku suntan yihiin dagaalkii Cabdiraxmaan lagu qaaday iyo kii lagu qaaday Cigaal iyo Garxajisiyadii,” Sidaas ayuu yidhi Eng Faysal

“Haddii nasiibku siiyay waxay ahayd ilayn waliba labada xisbi may baarigin oo Waddani wuxuu wali leeyahay waa nalagaga shubtaye in ay sameeyaan dawlad Salbalaadhan oo dib u heshiisiin samaysa laakiin, may samayn, anaga iyo Cabdiraxmaan noomay yeedhin; arrinta Dararweyne noogumay yeedhin, ta Tukaraq noogumay yeedhin sidii bisadda ayay kaligood meel la galeen,” Sidaas ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

“Dawladda Muuse Biixi, Saylici iyo Kaahin ayaa looga fadhiya in ay bulshada mideeyaan, dadkana qabiilka waxa ka rarta dawladda; dawladda nidaam u samaysa, iyada caddaalad u samaysa, dawladda wada jir u samaysa intaas iyaga looga fadhiya, anaga iyo Madashu haddii aanu idiin khudbadayno dee awood ma lihin. Aniga iyo Cabdiraxmaan Cirro dhawaan waanu shirayna oo haddii aanan waxan ka hor taggin oo dadkan qaylinaya aanan yur odhan way na jiidhayaan marka anaga nalooga fadhiya haddii uu ninkan garan waayay in uu dadka mideeyo anaga nalooga fadhiya in aanu dulqaad keeno oo dadka nidhaa fadhiista waxa firfircoon cadawgeena oo aanu anagu wada shaqayno sidii aan Garxajisiya u dhicin, sidii aanu shirkaasi u dhicin sidii aanu dagaalkaasi u sii socon ee Somaliland loo midayn lahaa,” Sidaas ayuu yidhi Faysal.

Waxa uu hadalkiisa ku soo xidhay in aanay fahmayn Muuse Biixi “Laakiin, waxaanu leenahay ninkan Muuse Biixi bal furihiisii keena anagu furihiisii waanu la’nahaye,” Sidaas ayuu hadalkiisa ku xidhay Eng Faysal.