Xisbiga KULMIYE Oo Si Qaawan Ugu Tagri Falay Hantidii Dawladda Iyo Murrashax Muuse Biixi Oo Safarkiisa Ay Galbinayaan Shaqalihii Dawladdu.

Dhaqaalihii Kastamka Gabilay, Cashuurtii Kastamka Saylac, Agaasimayaashi Ugu Tirada Badnaa, Maayaradii Gabilay Iyo Hargaysa Oo Qayb Ka Noqday Ololaha Xisbiga KULMIYE

Hargeysa (Somalilandtoday)-Xisbiga KULMIYE ayaa taariikh cusub oo aan waligeed ka dhicin Somaliland wuxuu ku dhigay ku tagri-falka awoodi Dawladda, Gobollada Dalka ayaa loo kala diray kooxo isugu jira Saraakiil Dawladeed iyo Xubno Warfidiyeeno ah oo laga anbabixiyay Madaxtooyadda, kuwaas oo kharash badani ku baxay waxa loo diray inay soo duubaan humaag loogu magac daray waxqabadkii Xukuumadda.

Sidoo kale Murashaxa Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo maalmihii u danbeeyay safaro ku maraayay Gobolada Galbeddka, waxa socdaalkaasi galbinaaya shaqaalihii ugu badnaa ee Dawladda oo qayb ka noqda Xisbi siyaasadeed.

Sidoo kale dhaqaalaha safarkaas loo adeegsaday ayaa siduu warar uu xogogaal ah ku helay Wargayska Somalilandtoday waxa laga xantoobinayaay Kastamada magaalooyinka Saylac iyo Gabilay, taas oo cashuurtii Ummadda u dhaxaysay ee ku soo xarootay kastamadaas,halka Maayirrada Hargaysa iyo Gabilay oo kaashanaaya dhaqaalaha Dawladaha hoose ee ay maamulaan ay qayb ka ahayeen Ololaha Murashaxa KULMIYE, gaadiidka Dawladda ee GT numberkoodu yahay ee safarka Murashaxa Xisbiga KULMIYE galbinaaya ayaa iyaguna tiro beelay. Sidoo kale fagaarayashii khayriyada ee magalooyinka uu safarka ku maraayay Muuse Biixi Cabdi ayaa dhammaantood loo fasaxay, iyadoo aanu ololihii bilaabmin halka Xisbiyada Mucaaridka ah loo diiday mararka qaarna laguba dhibaateeyo goobaha ay tageerayshadooda kala hadlayaan, sida tii ka dhacday Magaalada Alaybaday oo lagu dumiyay goob uu Murashaxa Xisbiga WADDANI kala hadli laha tageerayaashiisa.

Dhammaan ficilladan uu hadda KULMIYE cadaystay ee ku tagri-falka awoodi iyo cashuurtii Dawladda ayaa ahayd mid uu siweyn u dhibsanjiray waagii uu Mucaaridka aha, isagoo KULMIYE ku eedayn jiray Xukuumaddi Dahir Rayaale Kaahin.

Geesta kale Murashaxa Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa sheegay inay faab reeb ku samayn doonaan shaqaalaha Dawladda ee ka gudbay xuduudi sharciga kuna milmay siyaasadda Xisbiyada.

Xigasho: Wargeyska Somalilandtoday