“Xisbi La Wareejinayaa Ma Jiro Maxamuud Xaashoow, Hadduu Ina Biixi Guulaystana Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Baa…” Cabdiladiif Maxamed Faarax.

(SLT-Hargeysa)-Cabdiladiif Maxamed Faarax oo sheegay inuu ka mid yahay Salaaddiinta Beesha Bariga Burco, ayaa ku eeddeeyay Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi inuu fadqalalo ka dhex wado xisbiga Kulmiye, isla markaana wuxuu ugu baaqay inuu faraha kala baxo arrimaha xisbiga oo uu ku koobnaado shaqadiisa dawladda.

Suldaan Cabdiladiif Maxamed Faarax hadalka uu siiyay Shabakada Baraarug wuxuu eedo badan ugu jeediyay Wasiir Maxamuud Xaashi, waxyaabuhuu ku dhalliilay waxa ka mid ah olole uu sheegay inuu ka dhex wado Xisbiga Kulmiye oo uu ku doonayo jagada Gudoomiyaha, isla markaana wuxuu ku tilmaamay doonistaa mid guracan oo aan suurtagal ahayn.

Mar uu arrintaa ka hadlayayna wuxuu yidhi; “Waxa la sheegayaa innuu warqad sitay, la leeyahay xisbiguu ku doonayaa. Horta waxaan ku sheegayaa warqada aad sidato…. Xisbiyadaa ku biir oo sidii raggii hore oo kale yeel.”

“Xisbi la wareejinayaa ma jiro oo nidaam loo maro ayuu leeyahay xisbigu, waayo, haddii uu ina Biixi guulaysto Guddoomiye ku xigeenka koowaad ayaa soo guuraya, ilaa inta isna doorasho u dhacayso xalaal ahi. Markaa ololaha waa inaad ka dayso xisbiga, dawladda innaad ka shaqayso ayaa loo baahan yahay ee Kulmiye innaad ku mashquushid xaq uma lihid. Waxaanu is waydiinaa khaladaadka intaa le’eg waxa uu Madaxweynuhu kuugu eegayo.” Sidaa ayuu yidhi Suldaan Cabdiladiif.

Somalilandtoday/Hargeysa/Office