Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Ka Hadlay Khilaafka Golaha Wakiillada, Xaaladda Cakiran ee Dekedda Berbera Iyo Kordhinta Mushaharka Ciidamada Ee Cirro Ballan-qaaday

Muxuu Ka Yidhi Khilaafka La Sheegay Inuu U Dhexeeyo Isaga iyo Guddoomiye Cirro??

Hargeysa (Somalilandtoday)-Hogaamiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka hadlay wararka sheegaya in khilaaf ka dhexeeyo isaga iyo guddoomiyaha xisbiga Cabdiraxmaan Cirro, hogaaminta madaxwayne Siilaanyo iyo hadalkii Cali Gurey ee la xidhiidhay inuu jiro cilmi loo yaqaano Xirsiolagy.

Hogaamiyaha xisbiga WADDANI ayaa sidoo kale ka hadlay kordhinta mushaharka ciidamada, guryaha Xisbiga WADDANI sheegay Ibnu u dhisi doono, isagoo cadeeyay   inay taasi ka mid tahay siyaasadda xisbiga, islamarkaana ay ku dari doonaan buugga barnaamijka xisbiga.

Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ugu horayn ka hadlay khilaafka gollaha wakiillada waxaana uu beeniyey inuu wax gacan ah kula jiro isagu, isagoo umurahaas ka hadlaaya wuxu hadalkiisa ku bilaabay:

“Doorashada Guddoomiyuhu arrinta  Golaha Wakiilada bay ahayd oo annagu arrinta baarlamaanka maanaan geli karayn kamanaan codayn, markaa xubnihii baarlamaanku waxay soo bandhigeen saddex cadaymood oo kala duwan oo aad warbaahinta ka daawateen annaguna illaa hadda cadaymahaas waanu ku qanacsanahay inay yihiin cadaymo sugan,  waxaa cadayntaas ay soo bandhigeen burin karta Garsoor ka garnaqa, amma sida dhaqanka Soomaalidu  yahay in la isku tanaasulo oo laga heshiiyo oo si dhaqan dadku isu waydiistaan labadaas dariiq uun baan u aqaana inay wax xalaaleeyaan, laakiin waxaan inbadan suuqa ka maqlayay saaxiibada KULMIYE ee iga soo horjeeda oo leh way hambalyeeyeen dee hambalyo waxba ma xalaalayso ee sharcibaa baarlamaanku isku doortaa hamblayana guddoomiye ku noqon maayee sharcibuu ku noqdaa haddii uu sharcigu siiyo waynu aqblaynaa haddii ay ku heshiiyaan xildhibaanadu waa khayr oo ilaahayba quraankiisa ku sheegay”.

Sidoo kale Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa si kooban uga hadlay kordhinta mushaharada ciidamadda iyo cabashada ka soo yeedhaysa ganacsatada reer Somaliland ee ku saabsan hoos u dhaca shaqada dekedda Berbera, wuxu  yidhi:

“Markaanu la wareegno xukunka insha allah waxaanu mushaharka u kordhin doonaa ciidamada, sidoo kalena aanu guryo u samayno markaa waa siyaasadda xisbiga Barnaamijka xisbigana waa lagu soo darayaa insha allah” waxaana uu intaas raaciyey “Waxaynu filaynay inay dekeddu waxay inoo kordhisee maynaan filayn inay nooga darto, markaa runtii qaylaa ka soo yeedhaysoo lama dhacsani qayladaase waxaan leeyahay haddii ay jirtana haddii ay jirtana aynu wax ka qabano” .

Geesta kale hogaamiyaha oo u waramayay telefishanka Eryal ayaa wax laga waydiiyey hadalka ay ku cel-celiyaan taageerayaasha KULMIYE ee ah in dalku uu ku jiro xaalad adag isla markaana loo baahan yahay hogaamiye adag oo ka furdaamiya, waxaana uu Xirsi su’aal galiyey hogaamiyah Siilaanyo ka adag ee KULMIYE raadinayo, “Hogaamiyahan adag ee ay baadi doonayaan (qolada KULMIYE) kan (Siilaanyo) iminka idiin jooga ma mid jilicsan baa ilayn anagu waxaanu ku ogayn kii Somaliland ugu mudnaaye” ayuu yidhi Xirsi Xaaji Cali oo waraysi siiyey wariye Cabdiqani Dawlad oo ka tirsan Eryal TV.

Ugu dambayn Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka lagu baahiyey shabakadaha qaarkood kaasoo sheegaya in isaga iyo Guddoomiye Cirro uu khilaaf u dhexeeyo, waxaana uu sheegay inay wadashaqayn fiicani ka dhaxayso Murashaxa xisbiga.

“Walaal waxba kama jiraan oo waa iska hadal daciif ah, warbaahin kalena kuma arage waxaan ku arkayay warbaahinta KULMIYE taageera, waxaan u qaatay uun qolada Kulmiye inaanay waliga quusan waa wanaag iyo kal-gacal ay isleeyihiin malaha Xirsi wuu idiin soo noqonayaa waxaan leeyahay xisbigayaga Khilaaf kama jiro, wax dhib ahi kama jiraan, shaqadana marba inbaa qabata aniga iyo Cabdiqaadir waanu joogna, guddoomiyihii iyi kuxigeenkii murashuxna labada gobol (Sool iyo Sanaag) ayay ku kala maqan yihiin si fiican bay noogu socotaa shaqadu, xisbigayaguna waa xisbi shaqadiisa iyo hanaankiisu isku duba dhacsan yahay”.

Xigasho: Wargeyska Somalilandtoday