Xildhibbaano Cusub Oo Ku Soo Biiray Golaha Wakiillada Somaliland, Tiradooda Iyo Cidda Ay Bedeleen+SAWIRRO

(SLT-Hargeysa)-Maalintii Sabtidii ee todobaadkan waxaa si rasmi ah u furmay fadhigii 35 aad ee golaha wakiilada Somaliland ka dib markii golahani uu galay fasax laba bilood ahaa.

Image may contain: 3 people, people sitting and indoor

Image may contain: 2 people, people smiling, people sitting and table

Image may contain: 1 person, sitting and indoor

Fadhigan furmay waxaa golaha wakiilada Somaliland ku soo biiray Saddex xildhibaan oo bedelay xildhibaano golahaasi ka baxay iyo qaar geeriyoodey.

Xildhibaanadan ayaa waxaa ay buuxiyeen boosaskii ay ka kala baxeen :-

1.Ex Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi (Cirro) oo xilkii xildhibaan nimo iska iska casilay

2.Marxuum Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle oo dhawaan Geeriyoodey

3.Marxuum Xildhibaan Xassan Cawaale Caynaan oo dhawaan geeriyoodey

Somalilandtoday/Hargeysa/Office