Xildhibaano KULMIYE Ah Oo Xarunta Golaha Wakiillada Gudaheeda Ku Dagalaamay, Saleebaan Cali Koore Oo La Xidhay Iyo Xukuumadda Oo Ka Hadashay

Maxaa Ka Jira In Cadhada Saleebaan Cali Koore La Xidhiidho Dagaalkii Madaxtooyadu Murashaxnimadiisa Ku Soo Qaaday??

Hargeysa (Somalilandtoday)-Xildhibaan Saleebaan Cali Koore iyo Baashe Maxamed Faarax oo labaduba ka tirsan xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE ayaa uu dhexmaray dagaal gacan ka hadal ahi.

Shalay Subaxnimadii ayuu Xildhibaan Saleebaan Cali Koore gudaha xarunta golaha wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland soo galay waxaana uu markiiba waxaa uu sitoosa u galay xafiiska gudoomiyaha golaha wakiilada oo uu wakhtigaasi ku sugnaa Baashe Maxamed Faarax.

Askarigii ilaalinayay gudoomiye Baashe ayaa is hortaagay Xildhibaan Saleebaan Cali Koore waxaanu u sheegay in Gudoomiyuhu hawl ku jiro,hase ahaatee Xildhibaan Saleebaan ayaa si toos ah u galay xafiiska Guddoomiye Baashe, waxaana muran taagtaagan kadib dhexmaray dagaal gacan ka hadal ah.

Markale waxaa gudaha soo galay askarigii uu Saleebaan soo jiidhay waxaanu is yidhi ka qabo gudoomiyaha Saleebaan ,balse waxaa markiiba gudaha isaguna soo galay mid ka mida dirawalka xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo isna ku hubeysnaa Baastoolad, waxaanu markiiba ku riday askarigii ilaalada u ahaa gudoomiye Baashe Maxamed Faarax.

Intaas kadib waxaa gacan ku heynta golahaasi la wareegay ciidamada Booliska Somaliland oo uu hogaaminayo Sareeyo Guuto Cabdillaahi Fadal iiman, waxaana xabsiga loo taxaabay Xildhibaan Saleebaan Cali Koore iyo saddex wiil oo la socday oo dirawlkiisii xabadda riday ku jiro.

Geesta kale Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa tallaabadaas ku tilmaamay mid qas ah waxaana uu sheegay in qofkii xabadda riday khalad wayn ku jiro “qofkii golaha rasaas ka rida ama gacan iyo dagaal ka gaystay mudane ha ahaado ama qof caadi ah ha ahaadee khalad buu ku jiraa” ayuu yidhi wasiirka arrimaha guduhu.

Dagaalkan ayaa noqonaya mid u dhexeeya laba xildhibaan oo isku deegaan ah iskuna xisbi ah isla markaana ku loolamay hogaaminta golaha wakiillada walaw Saleebaan Cali Koore aanu tartan gudaha wakiillada ah la gelin Baashe Maxamed Faarax hadana waxa uu markii hore ku dhawaaqay murashaxnimadiisa taaso caqabad kala kulantay madaxtooyada.

Xigasho: Wargeyska Somalilandtoday