Xildhibaannada WADDANI Oo Dastuur Jabin Ku Eedeeyay Mudanayaasha KULMIYE Ee Ka Muquurtey Fadhigii Loo Ballamey

(SLT-Hargeysa) – Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ee KULMIYE iyo WADDANI ayaa dood adag isku waydaarsaday warbaahinta, ka dib baaqashada Kalfadhi aan caadi ahayn oo loo ballansanaa in lagu ansixiyo, kaasi oo la xidhay markii uu kooramku buuxsamay.

Kalfadhigan aan caadiga ahayn oo la doonayey in lagu meel mariyo xubnaha cusub ee Komishanka doorashooyinka qaranka, ayaa la xidhay markii xildhibaannada haysta aqlabiyadda Golahaasi ay ka baaqsadeen inay yimaadaan, iyaga oo ku sababeeyay wax ka bedal ay sheegeen in Guddoomiye Cirro ku sameeyay xeer ay hore u meel-mariyeen oo Guurtida loo gudbiyey.

download (3)

 

Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waabeeye, oo ah Guddoomiye ku xigeenka KULMIYE, oo ka hadlay ka baaqashadooda fadhigii shalay, ayaa yidhi “Arrintaa dhacday waxa masuuliyaddeeda leh Guddoomiyaha, xisbigiisa iyo inta tirada yar ee intay Kalfadhiga furtay, ku soo fadhiisatay 11-ka xildhibaan, annaga 70  ku joogna (Dibadda Golaha), aqlabiyaddu waa waxa Golaha Baarlamaanku ku shaqeeyo, cid walba way garaneysaa in cidda aqlabiyadda leh la tixgeliyo”

Hasa-ahaa xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog oo isaguna arrintan ka hadlay ayaa sheegay  “Isma hayaan Muxaafid iyo mucaarid ee waxa is haya laga garab oo xildhibaanno ah. Umad yahay waxa is-haya Mooshin quutayaal Maskaxdooda lala leeyahay iyo xildhibaano xor ah” ayuu yidhi. Waxaanu intaasi raaciyey “Mudaneyaasha ka soo xaadiri waayay Fadhiga aan caadiga ahayn ee aanu fadhino 30-ka mudane ee Kooramka soo buuxin waayay waxay jabiyeen qodobka 46 ee Dastuurka”

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday