“XILDHIBAANNADA Golaha Deegaanku Waajibka Shaqo Ayay Ka Wada Hadleen, Ee Kumay Tartamin Maayarnimo” Xil. Axmed Daahir

(SLT-Hargeysa) – Xildhibaan Axmed Daahir Axmed, oo ka mid ah mudanayaasha Golaha deegaanka Hargeysa, ayaa dadweynaha reer Hargeysa ka tuhun saarey in wax khilaaf ahi ka dhex jirin golaha deegaanka Hargeysa, waxaanu sheegay in waxa la isku hayey ay ahayd oo kaliya waajibaadka qaranka ay u hayaan, laakiin aanay jirin Maayarnimo loo tartamayaa.

Warka xildhibaanka

Xildhibaan Axmed Daahir oo maanta shir jaraa’id ku qabtey Magaalada Hargeysa, ayaa isaga oo sharaxaya muhiimadda diwaangelinta Madaniga iyo qaadashada kaadhka dhalashada yidhi “Walaalayaal Diwaangelinta waa muhiim, muwaadin walbana waxa dan u ah inuu qaato kaadhka Muwaadinnimada oo uu is diwaangeliyo, ha u qaadan wax hay’ado innaga caawinayaan ee wax aynu jeebkeenna ka bixinayno, waa wax aad u baahan tahay oo aanad ka maarmeyn, hadaad maanta qaadan waydo, berri ayaad dawladda hoose kaga qaadan doontaa lacag”