Xildhibaan Xoog Wuxuu Inoo Sheegay In Xisbiga Wadani Abtirsiimo lagu Noqdo.. By. Mujaahid Suufi

Waxaan dhamaan salaamayaa, bulsha waynta somaliland inta xiisaysa, qoraalkayga.

Runtii igumay noqon amakaag, oo intaas iyo in badan oo kale oo qarsoonba waan ogahay Midabka hoose ee xisbiga Wadani!!.

Xildhibaan Xoog oo ah Shakhsiyaadka ku sifaysan Qabyaalada, iyo Xiqdiga, oo hore ay ummadu hore u  baratay, wuxuu yahay ninkani.  oo aad is odhanayso maaha Xildhibaan ee Waa “GANG”. Waa ninkii baastoolada la soo baxay baarlamanka dhexdiisa.

Maanta wax waloo uu ummada u sheegana, aan cidna dhegaysanayn.

Wuxuu inoo sheegay, in Cali Warancade ahaan jiray xisbiga, wadani, imikana yahay? taas macnaheedu waxa-weeye, in xisbiga Wadani Lagu noqdo “HAYB”  ee aan lagu noqon mabd’a

Tusaale hadaan usoo qaato, haldoor kii ka tirsanaan jiray Kulmiye sida, Rayte, Maxamuud Raage, siduu u arkaa Xildhibaan xoog, markaa ma waxuu u arkaa inay wali Kulmiye yihiin.??? bal suaashaa dad waynaha ayaynu waydiin.

ww

Hadalka kale ee aan la yaabay, ee uu yidhi Siilaanyo hala doodo Cirro.. Xaasha anigu meel ka dhac ayaan u arkaa, Cirro waa curdin soo baxaya, oo ifka ku cusub, Siilaanyona waa Ruug cadaa,  Ku Suntan Taariikhda.

Cirro shacabka somaliland wax uu u sheego ma hayo, waa ninka isagoo isagu mudo kordhin ku jooga, ay ka qabsatay mudo kordhin ma yeelayno.

Xildhibaan Xoogow, Reer Caynaba Cirro waxay ugu yeedhaan “Sheeko Caruurle” Xikmad ayaa ku jirta adna waad ogtahay.

Ninkan Odayga ahi wuxuu yidhi niman yar yaroo sablaale ka yimi ayaa talada haya.

Goormay Sablaale ceeb noqotay, saa xildhibaanku isagaaba  koonfur ka yimee. miyay koonfuri kala Gobsan tahay?

Anigu talo waxaan ku soo jeedin lahaa Xisbiyada mucaaradku ha soo bedelaan labadan musharax, waa haday rajo ka qabaan inuun inay wadanka wax ka noqdaan.

Muj Suufi

Runsheege Madax-banaan

mubarigsuufi@yahoo.com