Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo Noqday Masulkii Ugu Horeeyay Tariikhda Somaliland Ee Caalamka Ka Dalbada Farogalin Shisheeye.

(SLT-Hargaysa) Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada kana soo baxay Xisbiga KULMIYE, balse ka tirsan Mudanayaasha tageera Xisbiga WADANI, ayaa noqday masulkii ugu horeeyay tariikhda mudadii ay Somaliland jirtay ee caalamka ka dalbada farogalin shisheeye in waddanka lagu sameeyo. Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo maanta ka hadlaayay fadhigii baaqday ee Golaha Wakiilada waxa hadaladiisi kamid aha. siciid

“Waxaan caalamka ugu baaqayna, tanu kala dhaqaaqi mayso (Somaliland) faro galin shisheeye, tashan  kari waynay awoodba la sheegtay dawladnima la sheegtay, RRU-ba la sheegtay, Baarlamaanki waa la qabsaday wa xidhanyahay maanta, nasoo gaadha ayaanu leeyahay.”

Arrintan baaqa Xildhibaanka ee ah in quwado shisheeye dalka soo gadhaan ayaa noqonaya dhawaqii ugu horeeyay ee intii Somaliland jirtay ka soo yeedha masuul dalka xil ka haya.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office.

contact@somalilandtoday.com