Xildhibaan Reer SANAAG Ah Oo Madaxweynaha La Doortay Kula Taliyey Inaanu Soo Celin Wasiirrada Xukuumadda Xilkeedu Dhammaanayo

(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Madaxweynaha la doortay Md. Muuse Biixi Cabdi u soo jeediyey inaanu ku soo celin Cid ka mid ah Golihii Wasiirrada ee Xukuumadda ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo, oo uu soo Magacaabo Wasiirro cusub oo Shacabka la dareen ah.

Warka XildhibaankaXildhibaanka oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa Shalay, ayaa sheegay in Dadka bariga Sanaag ee uu matalaa ay doonayaan in loo soo Magacaabo Wasiirro cusub oo dareenkooda ka war-qaba, laakiin aanay raali ka ahayn in la soo celiyo Wasiirradii Xukuumaddan sii dhacaysa.

Xildhibaanka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Anigu waxaan qabaa inaan Wasiirradii hore la soo celinin oo Weji cusub lala yimaaddo, Madaxweynuhuna wuxuu samaynayaa Horumarin, Madaxweynaha horena waanu ku hambalyeynayaa siduu u soo shaqeeyay, Xukuumadda cusub-na khayr baanu ka rejaynaynaa haddii Alle yidhaahdo, laakiin waa inaan Wasiirradii hore Cidi ka soo noqonin, waxaanu jecel nahay inay Wasiirro cusub yimaaddaan.”

Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud wuxuu sheegay in Dadka bariga Sanaag oo uu dhawaan booqasho ugu tagay yahay in Xukuumadda cusub ay Weji cusub la timaaddo “Madaxweynaha cusub waxaanu ka filaynaa in Gobollada bariga ahmiyad gaar ah la siiyo, isaguna wuu tagay oo indhihiisa ayuu ku soo arkay.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Dhawaan waxaan tagay Ceerigaabo, haddana Ceerigaabo waxaan dhaafay 80KM oo bariga Sanaag ayaan tagay, Dadka dareenkoodu waxa weeyaan in la soo Magacaabo Wasiirro cusub oo Dadka matala oo la fadhiista, Xaaladdoodana ka war-qaba.”