Xildhibaan Rayte Oo Dagaal Gacan Ka Hadal Ah Ku Qaaday Guddoomiye Muuse Biixi & WADDANI Oo SNM Ku Soo Gabaday.

(SLT-Hargeysa) Xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Wakiillada iyo Xisbiga WADDANI ayaa dagaal gacan ka hadal ah ku qaaday Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muj: Muuse Biixi Cabdi.

jpj-dagaalkii-muuse-bixi-iyo-xildhibaan-rayte

Xildhibaan Rayte ayaa dagaalkan ku weerayay Muj: Muuse Biixi Cabdi xili uu ku sugnaa Huteelka Like Casal, halkaas oo uu kula shiraayay siyaasiyiinta Madasha Wadatashiga, oo ay ka wada hadalayeen muran ka dhashay  xaflad Fanaanadda Sahra Halgan ku qaban lahayd Hutelkeeda oo lagu xusaayay maalinta shuhadada SNM. Guddoomiye Muuse Biixi oo la hadlaaya odaayaha ayuu si la filaan ah goobta u soo galay Xildhibaan Rayte, wuxuuna cay iyo Aflagaado ku bilaabay Guddoomiyaha isagoo aan intaas ku joogin ee koob shaaha lagu cabo dusha kaga duuftay.

Markii intaasi dhacay waxaa Xildhibaanka qabtay dadkii goobta ku sugnaa.  Geesta kale Xisbiga WADDANI ayaa si weyn looga dareemaayay isagoo ka faa’iidaysanaya xuska maalinta shuhadada SNM. Iyadoo masuuliyiinta Xisbigaasi ay dhex boodayeen ilaa xalay arrinta xuska SNM.

Somalilandtoday Hargeysa Office Contact@somalilandtoday.com