Xildhibaan Nac-nac: Saaxiibkii 1-baad ee Madaxwayne Siilaanyo Oo WADDANI Ku Biiray, Ishaarada Uu Tilmaamay iyo Tallaabada Xildhibaanka Oo Muujisay Sidaanay Xukuumaddu Ugu Qanacsanayn Murashaxa KULMIYE Ee Muuse Biixi

“Kulmiyuhu Kulmiyihii Hore Maaha, Markaa Waxaan Leeyahay New Kulmiye Ka Yaaca, Ishayda Waad Aragtaane” Xildhibaan Nacnac
Hargeysa (Somalilandtoday) –Xildhibaan Axmed Diirye Nacnac oo mudo dheer ka tirsanaa xisbiga Kulmiye ayaa cadeeyey inuu iskaga baxay xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye, kuna biiri doono xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, kaas oo sheegay in xisbiga Kulmiye aanu ahayn Kulmiyihii hore sidaa darteedna waxa uu ugu baaqay taageerayaashiisa inay ka yaacaan New Kulmiye.

Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac oo ka mid ah raga aadka ugu dhaw Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa sidaasi ku sheegay mar uu maanta Warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa, waxaanu sidoo kale tilmaamay in sababa uu ku jeclaaday madaxweyne Siilaanyo ay ka mid yihiin in Madaxweynuhu aanu xanta aqoon isla markaana aanu dadka xaasidin.


Ugu Horayn Axmed Diirye Nacnac oo arinta ka bixista uu ka baxay xisbiga Kulmiye ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Anigu waxaan ka mid ahaa xisbiga Kulmiye oo waxa nala yidhaahda Kulmiyaha qadiimka ah, markaan arkay saansaantiisa sida uu u socdo, kamaan dal doorsan ee waxaan leeyahay waan ka tagay Kulmiye sababta aan uga tahay waxa weeyi awal xisbigu miskiin kalkaal ayuu ahaa dadka masaakiinta ah waanu caawin jirnay, Madaxweynuhu wuu caawin jiray oo wadooyinka ayuu noo samayn jiray, markaan arkay in halkaa aanay waxba ka soo jeedin, markaa xisbiga Kulmiye waan ka tagay Waddanibaanan ku biirayaa Insha Allaahu Tacaalaa.

Kulmiyuhu Kulmiyihii Hore Maaha, Waxa la yidhaahdaa Kulmiyihii qadiimka ahaa iyo Kulmiyaha cusub, markaa Waxaan leeyahay New Kulmiye ka yaaca, Wixii I garanaayow ishayda waad aragtaan.” Ayuu yidhi Xildhibaan Nacnac waxaanu intaasi ku daray “Madaxweynahaa wali wuu inala joogaaye waxyaalaha aan ku jeclaaday waxa weeyi xanta ma yaqaan, Xaaraanta ma yaqaan, qof ma xaasido, wuu naxariis badan yahay, Xalay ayaan Islaan lacag uga soo qaadayey, markaan ku idhi Madaxweyne miskiinadaasaa wuxuu igu yidhi halkaa ka qaad, kana wuu ka xanaaqayaaba (Muuse Biixi).” Ayuu Yidhi Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac, waxaanu intaasi ku daray “Wataayoo wadadii way socotaa, illaahay cimrigiisa ha dheereeyee waa wadadii uu Madaxweynuhu noo dhagax dhigay isagaana wadda, iff iyo aakhirana waanu ugu ducaynaynaa, waxaanu leenahay Alle ha ku barakeeyo oo cimriga ha kuu raajiyo ayaanu leenahay.” Ayuu yidhi Xildhibaan Nacnac.

Geesta kale tallaabada xildhibaan Axmed Diiriye Nac-nac ayaa ay dadka siyaasadda falanqeeyaa ku tilmaameen inuu madaxwayne Siilaanyo laftiisu talo ku leeyahay ku biirista Nac-nac ee WADDANI, sidoo kale waxa uu xildhibaan Nac-nac xidhiidh dhaw la lahaa marwada madaxwaynaha Aaminsa Weris Sheekh Maxamuud Jirde, waxaanay u muuqataa in iscasilaadda Nac-nac ay xidhiidhsan tahay meelo ka fog inta hadda muuqata.

Xigasho: Wargeyska Somalilandtoday.