Xildhibaan Muuse Xaji Cabdi Ducaale Oo Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Qorilugud Iyo Buhoodle.

(SLT-Burco) Xildhibaan Muuse Xaji Cabdi Ducaale oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland, ayaa baaq nabadeed u diray Beelaha Degaanada Qorilugud iyo Buhoodle, halkaas oo Dagaal ka dhacay ay ku naf wayeen 5 xubnood oo ka soo jeeda Degaanka Qorilugud.

unnamed (4)

Dagaalkan oo xaalad cakiran ka abuuray deegaannada Buuhoodle iyo Qori-lugud oo aan horeba isugu calool fayoobayn, ayaa waxa ka hadlay Xildhibaan Muuse Xaaji Cabdi Ducaale oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland isla-markaana ka soo jeeda deegaanka Qori-lugud.

Xildhibaanka oo xalay la soo xidhiidhay Wargeyska Somalilandtoday isagoo ku sugan Magaalada Burco, ayaa ku baaqey nabadgalyo iyo dagaalka la joojiyo “Baaqa aan dirayaa waxa weeyaan oo aan leeyahay Khasaaruhu wuu dhacay ee aynu intaa isku hor taagno, waayo wixii kale ee halkaa loo dhaafaa waa Khasaare iyo dhibka oo sii kordha. Labada dhinacba waan Tacsiyeynayaa” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Labada dhinacba waa labadeydii gacmood, waxaan leeyahay nabadda idinkaa ku seexda ee Khasaaruhu halkaa ha inoo joogo. Wixii dhibaatadaa abaabuleyna ILAAHAY baa ka abaal-marinaya, waxaanuna rajeynaynaa in dhibkaasi noqdo kii inoogu dambeeyay”

Dagaalkan ayaa kala dhantaalaya dedaallo nabadeed oo ay bilihii u dambeeyay wadeen Madax-dhaqameedka iyo waxgaradka beelaha Buuhoodle iyo Qori-lugud. Waxaana muuqanaysa in kooxda nabad-diidka ah ee Khaatumo wado qorshayaal ay ku carqaladeynayso geedi-socodka nabadeed.

Xigasho Wargayska Somalilandtoday.com