Xildhibaan Maxamed Jaamac Oo Dhawaciisa La Keenay Magaalada Burco Laguna Dawaynaayo Cisbitaalka Baaxeer.+Sawiro

(SLT-Burco) Xildhibaan Maxamed Jaamac oo kamid Xildhibaanada Golaha wakiilada Somaliland, lagana soo doortay Gobolka Togdheer, ayaa dhaawaciisi la keenay Cisbitaalka Baaxeer ee Magaaladda Burco, kadib markii gaadhi kula qalibmay tuulada Sheekh.

10721237_1498209343760642_1381884381_n

Shilkan gaadhi ee Xildhibaanku ku dhaawacmay waxaa sidoo kale ku geeriyooday, rabi naxariistii janno haka waraabiye Marxuum Abokor Gacan oo Xildhibaanka ku wehelinaayay Gaadhiga. Maydka marxuumka iyo dhaawaca Xildhibaan Maxamed Jaamac ayaa goor dhawayd lasoo gaadhsiiyay Cisbitaalka Baaxeer, halkaas oo lagu dawaynaayo, halka marxuumka Oo Maydkiisu Yaalo Cusbitaalka Weyn ee Burco la filaayo in maalinta bari ah la aaso haddii alle ka dhigo. Labadani Qof oo usocday inay ka qaybgalaan Aas Loo Samaynayay Marxuum Shalayto Gaadhi Ku jiidhay Magaalada Burco Ayaanay Haatan se u suuroobin iyadoo mid kamidana tiisii alle ka dhigay.

10723490_1498209333760643_589622084_n

Shilalka ka dhaca wadooyinka isku xidha maglooyinka Burco, Berbera iyo Hargaysa ayaa soo badanaayay muddooyinki u danbeeyay iyadoo sababtana dhawr arrimood lala xidhiidhiyo.

Xabiib Cigge

Somalilandtoday/Burco/Office.

Email: xabiibcige@gmail.com