Xildhibaan Kijaandhe Oo Kamid Aha Murrashaxiinti Is-baahaysiga KULMIYE Oo Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyay Dalka & Siyaasiyiin Miisan Leh Oo Ka Dhex Muuqday Soo Dhaweyntiisa. DAAWO SAWIRADA.

(SLT-Hargaysa) Xildhibaan Maxamed Cabdi Nuur (Kijaandhe) oo kamid aha saddexdii Murrashax ee qaaday shir weynihii Xisbiga KULMIYE, kana tirsan Is-baahaysiga KULMIYE ayaa maanta dalka si weyn loogu soo dhaweyay. Xildhibaan Kijaandhe oo socdaal ugu maqnaa waddamo ka tirsan bariga Afrika, waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargaysa ku soo dhaweeyay, Salaadiin, qaar kamid ah Wasiiradii Iska casilay Xukuumadda, Xildhibaano ka tirsan labada Gole iyo dadweyne tiro badan.

IMG_3081(2) IMG_2948(1) IMG_2951(1) IMG_2954 IMG_2960(1) IMG_2960(1) IMG_2971 IMG_2976 IMG_2979 IMG_2993(1) IMG_3015(1) IMG_3031 IMG_3050(1) IMG_3052(1) IMG_3056(1)

Xildhibaan Axmed Cabdi Jijaandhe oo Saxaafadda kula hadlayay qolka Nasashada ee Madaarka Hargaysa, wuxuu sheegay in adduunku ka wer wersan yahay waxaa ka socda dalka Somaliland, sidoo kale mar la waydiiyay waxay yeelayaan Siyaasiyiintooda is-baahaysigu wuxuu sheegay inay ka tashan doonaan talaabada ay qaadi doonaan.

IMG_3064(1) IMG_3071(1) IMG_3067(3) IMG_3081(2) (1) IMG_3084 IMG_3088 IMG_3096 IMG_3114 IMG_3132 IMG_3136 IMG_3114 IMG_3097(1) IMG_3015(1) IMG_3052(1) IMG_3084 IMG_3050(1) IMG_2979

Soo dhaweynta Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe) ayaa noqonaysa tii labaad ee Siyaasiyiinta Is-baahaysiga Murrashaxiinta lagu soo dhaweeyo, iyadoo Xubno uu hoggaaminaayo Wasiirkii hore ee Madxtooyadu si weyn loogu soo dhaweeyay Gobolka Togdheer todobaadkan.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office.

contact@somalilandtoday.com