Xildhibaan Ka Tirsan Xisbiga KULMIYE Oo Isku Dayay Inuu Khal-khal Galiyo Soo Dhawayn Dadka Reer Allaybaday U Sameeyen Guddoomiye Cirro

Murashaxa Xisbiga WADDANI Oo Tageero Ka Nixisay Muuse Biixi Ka Kasbaday Degaanada Beesha Habar-Awl Iyo KULMIYE Oo Tallo Ku Gaadhay Qabyaaladii Buuq Ku Lamaneeyo

Hargeysa (Somalilandtoday)-Koox uu hoggaaminayi Xildhibaan Xasan Shahar oo ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka  ee Hargeysa ayaa sida wararku sheegayaan shalay isku dayay inuu khal-khal geliyo soo dhawayn Guddoomiye Cirro loogu samaynayay degmada Allaybaday ee gobolka Gabiley.

Xildhibaan Xasan Shahar ayaa sameeyey  abaabul uu is yidhi  hoos ugu dhig soo dhawaynta dada deegaanka waxaana uu bilaabay inuu abaabulo koox kale oo soo qaadata calanka KULMIYE iyo inuu soo diro koox khal-khal galisa soo dhawaynta guddoomiye Cirro,  waxaase arrinkaas ka hortagay dadka deegaanka oo u xildhibaan Xasan Shahar u sheegay inay dadku xor u yihiin aragtidooda.

Guddoomiyaha ahna murashaxa xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa maalmihii u dambeeyey si wayn u kasbanaayay quluubta shacabka reer Somaliland guud ahaan.

Waxaana muddooyinkii u dambeeyey iska soo daba dhacaayay taageerayaasha iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda beesha Muuse Biixi oo ah murashaxa KULMIYE, waxaana u dambeeyey kulan qado ah oo uu guddoomiye Cirro la qaatay odayaal iyo aqoonyahan ka soo jeeda beesha Ciise Muuse galbeed iyo taageerayaal uu shalay ku soo dhaweeyay degmada Allaybaday.

Taageerada baaxadda leh ee ay dadka deegaanka waqooyiga Hargeysa iyo gobolka Saaxil u muujiyeen murashax Cirro ayaa sababtay dhacdooyin qaarkoodd ku cusub yihiin siyaasada Somaliland, waxaana dhacdooyinkaas oo qulub iyo qas u badan qayb ka ah qaar ka mid ah taageerayaasha KULMIYE iyo waliba qaar aad ugu sii dhaw murashax Muuse Biixi.

Xigasho: Wargeyska Somalilandtoday