Xildhibaan C/raxmaan Xoog Oo Abaabulaya Mooshin Uu WADDANI Kaga Soo Horjeedo Sii Socoshada Cashuurta Gaadiidka Loo Saaray Jidka Ceerigaabo

(SLT-Borama) – Xisbiga WADDANI, oo maalmihii u dambeeyay dhaqdhaqaaq ballaadhan oo taageero raadis ah ku marayey gobollada Awdal iyo Gabiley, ayaa eedaymo badan u soo jeediyay xukuumadda talada Somaliland haysa. Taasi oo ay ku eedeeyeen in aanay wax ba ka fulin ballan-qaadyadii ay dadweynaha u samaysay.
Xildhibaannada safarka Borama ku wehelinayey Guddoomiyaha xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Cirro, ayaa ku baaqey in la joojiyo cashuurta gaadiidka dadweynaha loo saaray dhismaha waddooyinka, siiba jidka isku xidhaya Ceerigaabo iyo Burco, kaasi oo dhismahiisu socdo.

aa

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Xoog) oo khudbad ka jeediyay Magaalada Borama oo lagu soo dhaweeyay weftigii Guddoomiye Cirro, ayaa sheegay in marka Golaha Wakiiladu ka soo laabto fasaxa uu abaabulayo Mooshin ka dhan ah sii socoshada cashuurta gaadiidka loo saaray dhismaha iyo dayactirka jidadka kala duwan ee Somaliland.
Xildhibaan Xoog, oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Cashuurta gaadiidka la saaray waxa la ansixiyey 24-kii bishii sagaalaad 2013-kii, Golaha waxa lagaga furfurey lix bilood baa la eegayaa, laakiin imika way muddo dhaaftay, cashuurtaasi waxay keentay culays dhaqaale, Sicir Barar, mudanayaasha Golaha wakiilada waxaan u soo jeedinayaa inay dadweynaha ka dul-qaadaan culayskaa dhaqaale oo ay dib u eegaan cashuurta gawadhida lagu soo rogey”
Xildhibaanku, waxa kale oo uu sheegay “Waxaanu ayideynaa in dhalinyarada Somaliland shir ku qabsadaan Cadaadley, waayo waxay ka cabanayaan waxbarasho iyo shaqo la’aan, haddii la is hor-taago shirkaasi waxaanu ka xignaa Mudaharaaddo” ayuu yidhi.
Hadallada noocan ayaa waxa muujinaya in xisbiga WADDANI uu si cad uga soo horjeedo dedaallada dadweynuhu taageeray ee xukuumaddu ku dooneyso inay dalka dib ugu dhisto isla-markaana hirgeliso dhismaha jidka isku xidhaya gobollada Sanaag iyo Togdheer, taasi oo socota.
Xildhibaan Xoog, ayaa xiligii la ansixinayey cashuurta gaadiidka loo saaray dhismaha jidkaasi, ka mid ahaa xildhibaannada aadka uga soo hor-jeeday.

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday