Xil.Ibahim Buubaa Qoyskiisa Ayuu Qadiyada Iyo Madaxbanaanida Somaliland Ka Dhaadhicin Kari Waayay.

Ibrahim buubaayow aadigoo ogsoon in qoskiinu anu ogoleynba jiritaanka Somaliland oo ay habeen iyo maalinba ku hamiyaan baabiinta jiritaan jamhuuriyadda Somaliland.

xildhibaan-Buubaa-475x441

Xildhibaan Buubaa Ayaa maantana waxa uu la shiryimid  dhaleecayn aanay galabsan in uu kula dul kufo masuuliyiinta qaranka ee Wasaaradda Arrimaha Guddaha  wasiirka arrimaha guddaha iyo w/xigeenka amnigu taasina maaha wax jira .

labadan masuul ee uu sida indho la,aanta u eedeyeyna way ka soo baxeen shaqadoodii taasina waxaa cadaynaya nabadgalyada iyo xasiloonida uu waddanku ku jiro.

Waxaa kale oo aad labada wasiir ku tilmaantey kuwa fashilmay taasina waa gaf uu kula kacay masuuliyiintan, cida fashilantey waa adiga (failure) noqday waxaan caday u ah inaad fashilantay 9 sano ayaa waxaad tahay masuul qaran waddanka waxaad u qabato daaye qoykaagii ayaad ka dhaadhicin weydey jiritaanka Somaliland.

Imikana wuxu bilaabay cayda macno darrada ah ee uu masuuliyiinta qaranka kula kacayso malaha waxaaba kaa soo dhaw inaad raacdo kuwii muqdhisho kuu joogey ee aad habeen kasta telofada ka xidhiidhaan inaad muqdisho ugu tagto. shaqsiyadaadu maaha mid u hadli karta Mujaahidada sharafta leh ee sahra halgan waayo wixii ay u soo halgantay ee ahaa gooni isu taaga Somaliland ayaanay ogoleynba qoskaagu adigu markaa intaad hadlaysid qoykaaga u sheeg inay jiraan mujaahid u soo dagaalantay madax banaanida somaliland.

Xisbiga aad afhayeenka u tahay ee wadani waxaa isku uruursadey wixii siyaasi fashilmay(loser’s) waayo adiga iyo guddoomiye cirro iyo 9sano ayaan shacabka reer Somaliland ee idin soo doortey aa ka khasaariseen xataa degmooyinkii dadkii codka idinsiiyey ay joogeen wax u maydaan soo kordhin marbaa laydinku hungoobey marlabaad ha filanina xishooda oo aamusa.

 xoghayaha ina uurcadde 11sano ayuu golaha deegaanka caasimadda soo fadhiyey maayir kuxigeena soo noqday maxaa uu qabtey muxuu shacabka la hor imanayaa 11sano ayuu ka khasaariyey umadda reer somaliland.

shacabka reer somaliland waa umad  U bislaatey oo fiiro dheer khibradna u leh sida waxa loo doorto markaa waxay dooranayaan siyaasiga waxtarka  Dalkana wax u qabtay wayna garanayaan kuwii fashilmay ee wakhtiga ka lumiyey (Time loser’s-ka) looma baahna.

Prof: Mohamed abdi

eng.mohamed@hotmail.com

Tell 0633428211

++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++

Fekrada Iyo Qaabka Fahan Ee Qoraalkan Waxaa Iska Leh Qoraaga Ku Saxeexan, Kasbashadiisa Iyo Ka Booditaankiisuna Wuxuu Gaar U Yahay Isla Qoraaga. Marnaba Kama Masuul aha Shabakadda Somalilandtoday.com Balse waxay Shabakaddu Diyaar u Tahay Is Dhaafsiga Rayiga Gacal Wadaaga Ah……..