Xijaabku ma dhaqan baa mise diin? W/Q Muxammad Yuusuf

Xijaabku ma dhaqan baa mise diin?

“Cumar RC iyo Xijaabka

Islaamka ka hor dumarka Carabtu siyaabo kala duwan, oo
kala asturnaan badan ayaa ay u labbinsan jireen. Qaar baa
jidhkooda oo dhan wada qarin jirey; qaar baa jidhkooda
intiisa badan muujin jirey, qaar badan oo labadaa u
dhexeeyaana waa ay jireen. Laakiin, badanaa laabta, qoorta, iyo timaha oo dhan ama qayb ka mid ah ayaa muuqan jirey.

Waxaaba ka daran, Islaamka ka hor, Mushrikiinta qaar ayaa
marka ay Kacbada dawaafayaan isqaawin jirey. Asturnaantaa guud ee timaha iyo qoorta qaybo ka mid ahi ay muuqdeen, ayaa lagu dhaqmayey ilaa diintu ay qaabaysay labbiska dumarka Muslimaadka ah. Xijaabka diintu ay sheegtay labbis keli ah kuma koobna e, waxaa lammaaniya kala soocnaanta ragga iyo dumarka, iyo in aysan isdhexyaacin kuwa aan maxramka isu ahayni.

Faralyeeliddii xijaabka ka hor, Cumar RC waxa uu kula
taliyey Nebiga SCW, in uu haweenkiisa u xijaabo, isaga oo
u sababaynaya in dadka kuwooda wanaagsan iyo kuwo aan wanaagsanaynba ay galayaan guryaha Rasuulka SCW, taas oo uu Cumar u arkayey in aysan ku habboonayn haweenka Nebiga SCW, iyo sharafta gaarka ah ee ay leeyihiin. Hayeeshee, Nebigu SCW wax tallaabo ah kama qaadin arrintaas, isaga oo sugayey waxyi xagga Alle uga yimaadda.

Mar kale, sida ay Caa’isha RC soo werisay, iyada iyo Nebiga SCW oo weel cunto ku wada cunaya ayaa Cumar soo maray, ka dibna Nebiga SCW ayaa u yeedhay in uu cuntadii la cuno—illeen waa dad hal weel wax ku cunaya oo gacmahoodu isu dhaafayaan e, Cumar gacantiisi ayaa ku dhacday Caa’isha gacanteedi—“XASS!”, oo ah ereydhawaaq qofku yidhaahdo marka uu dab ku dhego oo kale, lana macno ah ‘AX!’, ayaa uu Cumar la soo booday. Waxa uu ku daray, “Haddii sida aan idin la rabo la iga oggolaan lahaa, ili idin ma aragteen.”

Ugu dambayntii xukunkii xijaabka ee Cumar uu naawilayey ayaa soo dagey. Waxaa sannadkii shanaad ee hijrada uu Nebigu SCW guursaday Saynab bint Jaxsh RC. Arooskii markii uu dhammaaday, ee dadkii kala dareereen, ayaa dhawr nin ay sheekadii la tagtay oo ay illaaween in ay kacaanba! Suubbanuhuna SCW waa uu ka xishoodhay. Dhawr jeer baa uu guriga ka baxay bal in ay dareemaan, laakiin ma aysan dhaadin. Markaas ayaa waxaa soo degtay aayadda 53’d ee suuradda al-Axsaab, oo lagu magacaabo Aayadda Xijaabka, taas oo jidaynaysa in teed (xijaab) u dhexeeyo ragga iyo dumarka, aysanna ahayn in ay raggu isaga galaan dumarka oo aan si dhammaystiran jidhkooda u dedin—sidii ay hore caadadu ahayd.

وَإِذَا سَأَلْتُمُوهُنَّ مَتَاعًا فَاسْأَلُوهُنَّ مِن وَرَاءِ حِجَابٍ ۚ

“Haddii aad alaab weydiinaysaanna, ka weydiiya xijaab
gadaashii.” al-Axsaab: 53

Cumar RC ma rabin oo keli ah in haweenka Nebigu SCW
ay xijaabtaan, oo ay jidhkooda wada dedaan e, waxa uu
doorbidayey in ay lahaadaan xijaab dheeraad ah—kaas
oo ah in aysan guryahoodaba ka soo bixin, oo aan xitaa
muuqooda la arkin! Waxa uu sii wadey dadaalkii uu ku
rabey in xukunkaasi yimaaddo.

Berigaas guryaha Rasuulku SCW ma aysan lahayn
musqulo, dumarkuna habeenkii ayaa ay bannaanka u bixi
jireen. Habeen ayaa uu Cumar arkay Ummul Mu’miniin
Sawdah RC oo meel maraysa, xijaabkeediina xidhan. Sawdah waxa ay ahayd haweenay laf weyn, oo qofkii yaqaannaa uu muuqeeda oo keli ah ku garan karo. Cumar ayaa la hadlay isaga oo muujinaya diidmo ah in ay bannaanka u soo baxdo. Inta ay laabatay ayaa ay Nebiga SCW u dacwootay, ka dibna waxaa soo dagey waxyi Alle haweenka ugu oggolaanayo in ay u bixi karaan wixii dantooda ah. In kasta oo xukunka guud ee xijaabku uu waafaqay rabitaankii Cumar, haddana qaabkii adkaa ee uu u rabey uma dhicin.

Waxaa xusid mudan in cidda uu Cumar rabo in ay sidan u xijaabtaan ay tahay xaasaska Nebiga SCW, ee uusan ka hadlayn haweenka Muslimiinta guud ahaantood. Hadalladiisan oo dhan kuma uusan soo hadalqaadin dumarka kale. Waxa uu ku dadaalayey in haweenka Nebigu scw ay lahaadaan xurmo gaar ah, oo aan cid kastaa isaga galin, dadka kalena ay ka soocnaadaan.

“Xijaabku waa dhaqan Carbeed,” ayaa beryahan dambe la innaga badiyey. Diintu ma samayn dad aan hore loo arkin, mana keenin xukunno marsoobax ah. Waxa ay xoojisay oo ay dhiirrigalisay wanaaggii ay bulshadu lahayd, wixii xumo ahaana waa ay la dagaallantay. Siyaabaha xumaha loola dagaallamana waxaa ka mid ah, in la gooyo jidadka xumahaas lagu gaadhi karo. Asturnaanta jidhka iyo kala soocnaanta ragga iyo dumarku, waxa ay ka mid yihiin hababka ay diintu ku ilaalisay dhowrsoonaanta qofka Muslimka ah.

Nebigu SCW waxa uu yidhi, “Waxaa la ii soo saaray si aan u dhammaystiro akhlaaqda waxaangan.” U fiirso, ma uusan odhan, ‘In aan dhiso ama sameeyo akhlaaq wanaagsan oo cusub’. Markii uu diinta fidinayey, waxa uu dadka ugu yeedhayey in wanaagga laga shaqeeyo, xumaha la diido, dulmiga laga dheeraado, madluumka la garab istaago, qofka aan waxba haysan la kaalmeeyo, ammaanada la ilaaliyo, deriska la xaq dhowro, martida la sooro,…—Waxyaalahani dadka kuma cusbayn oo waa ay samayn jireen e, diinta Islaamku waa ay sii xoojisay.
Dhaqanka suubban dadka oo dhan baa jecel. Kan dadka ugu anshaxa xumi waa uu jecel yahay dhaqanka wanaagsan, yuusanba ku dhaqmin e. Dhowrsoonaanta iyo asturnaantu waa wax dadku wada jecel yihiin, kuna dadaalaan, waxaase lagu kala duwanaan karaa xadka ay leeyihiin dhawrsoonaanta iyo asturnaantu. Aadam CS iyo Xaawo CS markii Alle abuuray, qaawanaantii laguma dhaafin e, hu’ ayaa loo sameeyey.

Markii Ibliis beenta ka dhaadhiciyey ee ay gefkii ku dhaceenna, waa tii ciqaab ahaan looga qaaday hugii markii hore lagu maamuusay, dabadeedna ay isku dhedhejiyeen caleentii dhirta, si ay cawradooda u asturaan, ama sida Qur’aanku tilmaamay—saw’adooda; xumaantooda. Waa fidro Alle dadka ku abuuray.

Ilaa iyo bilowgeennii ma jirin diin Alle soo dejiyey oo
qaawanaanta jidaysay, oo diimuhu waa hal mid, laakiin
axkaamtooda ayaa kala duwanayd. Hadda saddexda
diimood ee Samaawiga ah: Yahuudiyada, Masiixiyada, iyo
Islaamkuba, asturnaanta waa ay wadaagaan, oo labbiska
Yahuudda qaar iyo kan dumarka kaniisadaha ka shaqeeyaa,
wax badan kagama duwana kan Muslimiinta dumarkoodu
ay xidhaan.

Taas macnaheedu ma waxa weeyaan in xijaabku yahay
caado iyo dhaqan ee uusan diin ahayn? Nebi Muxammad
scw hortii waa la soomi jirey, la salaadi jirey, la xajin jirey,
sakana waa la bixin jirey e, ma la odhan karaa soonka,
salaadda, xajka iyo sakadu waa dhaqan ee diin ma aha?
Asturnaantu waa wax ilaa Aadam iyo Xaawo jidaysnaa,
diinteennuna ay inna fartay, waana dhaqan suubban oo
sharaf leh.

Hidde iyo dhaqan dad u gaar ah waxaa laga hadli karaa, oo
ay tixgelin yeelanayaan, marka uusan meesha oollin xukun
ay shareecadu caddaysay. In dumarku jidhkooda asturaan
waa waajib Alle saaray, hadalna kama furna. Dhaqan iyo
dhaqan la’aan. Qofkii ku dhaqmaa Alle amarkiisii ayaa uu
fuliyey, kii ka tagaana waxa uu sameeyey amardiiddo, waxa uuna caasiyey Alle SWT.

Sida ku cad aayadaha Qur’aanka, xadiiska Suubbanaha SCW, iyo taariikhda Islaamkaba, xukunka xijaabku waxa uu ahaa mid lagu soo rogey dumarkii Muslimiinta ahaa xilligii Nebiga scw, bilowgii Islaamkana waajib ma ahayn. Sidii haweenkaa hore loo faray ayaana looga rabaa kuwa hadda jooga iyo kuwa iman doonaba. Dumarkaa Carbeed ee hore iyo dumarka maanta, Carabtooda iyo Cajamtoodaba, isku si ayaa uu xijaabku waajib ugu yahay, sida salaadduba ay waajib ugu wada tahay.

Sida ay culamadu u badan yihiin, dumarka waxaa waajib ku ah in ay asturaan jidhkooda oo dhan, wixii aan ka ahayn wejiga iyo labada cumaacumood. Sidaas awgeed, niqaabku waa sunne e, waajib ma aha in ay dumarku wejigooda dedaan. Innagu, Soomaali ahaan, qoorta, dhegaha, qayb timaha ka mid ah, iyo cagahaba, waa aynu iska xalaashannay, laakiin diintu ma oggola, waxa ayna ka mid yihiin cawrada haweenka ee ay waajibka tahay in la asturo. “Waa dhaqan Soomaaliyeed,” ma aha qiil lagaga baxsan karo xukun Alle dejiyey. Immisa dhaqan oo awooweyaasheen iyo ayeeyooyinkeen ay ku dhaqmi jireen, ayaa aynaan ku dhaqmin? Xukunka Alle swt ayaa ka weyn dhaqanka ay dadku caadaysteen.

Diintu iyada ayaa qaabaysa dhaqanka qofka Muslimka ah. Iyada ayaa hagta rabitaankiisa iyo fekerkiisaba. Diintu waa ay soo dhoweysaa dhaqanka iyo caadada dadka, bishardi, in aan iskahorimaad meesha soo galin. Waxaa la inna faray in aynu is-asturno, laakiin qaabkii aynu u fulin lahayn innaga ayaa la innoo dhaafay, waana halkan booska dhaqanku soo galayaa.

Tan xijaabka, in kasta oo ay diintu jidaysay xidhashada
xijaabka, haddana, dhaqanka iyo caadada bulshooyinka
ayaa ay u daysey in ay sidii u cuntanta u fuliyaan.
Khasab ma aha in la xidho maro nooc gaar ah u samaysan,
ama midab gaar ah leh, ama Sucuudiga laga keenay, iwm….
Marada aad rabto xidho, laakiin ha laga helo tilmaamihii
diintu jideysay: maradu waa in ay asturto intii la rabey; waa
in aysan ahayn cidhiidhi jidhka qaabkiisa muujinaya, waana
in aysan ahayn dhaldhalaal indhaha soo jiidanaya, oo qofkii
arkaaba uu indhaha la raacayo. Intaas marka la oofiyo,
haweenayda ayaa ay u taallaa: boqor, bafto, subeeciyad,
garays iyo guntiino, toob iyo dirac, Aliindi iyo Armani, kii
ay xidhanayso. Waxa keli ah ee marwada sharfan laga rabaa waa: in labbiskeedu uusan xukunkii sharciga ahaa jabin—inta kale waa iyada iyo dookheeda, iyo dhaqankeeda.

Diintu innama galin cidhiidhi, isla markaana, sida
duurjoogta innooma fasixin. Waxyaalo ayaa la inna faray,
kuwo kalena waa la innaga reebay, iyada oo qofkii amarka
Alle qaata abaalmarin loo ballanqaaday, kii diidana ciqaab
loogu gooddiyey. Ogoow, Nebigu scw waxa uu innoo
sheegay in Jannada lagu xeeray waxyaalo ay naftu dhibsato, qofkii in uu galo rabaana uu ku khasban yahay in uu u dulqaato. Halka Naarta ay ku hareeraysan yihiin waxyaalo ay naftu jeceshahay, kuwaas oo qofkii lugta la gala (sidii dabin) ay Naarta galitaankeeda u horseedi karaan. Alle ha innaga fogeeyo Naarta iyo wixii innoo dhoweyn karaba.

Aamiin.”

AL-FAARUUQ: TAARIIKH NOLOLEEDKII CUMAR IBN AL-KHADDAAB RC | SANNADIHII HORE, bb.100-106

Facebook Muxammad Yuusuf