Xidhiidhka Tooska Ah Ee Ka Dhexeeya Sicir-bararka Iyo Lunsiga Maalka Dawladda.

Imika yar iyo meyn Madaxweyne iyo Xukuumadiisa , Baarlamaano iyo Maxkamado iyo shacabka noocyadiisa kala duwan waxaynu dhammaanteen ka dheregsanahay in lacagtii dawladda u soo xaroon lahayd ee Bangiga dhece tegi lahayd iyo Wasaaradda Maaliyada ee dhaqaalaha wadanka lagu maamuli lahaa inay boqolkiiba konton la leexsado oo bangiyada xawaaladaa ah accounts laga furtay toos ugu dhacdo , Xukuumaddii wadamka baanisay ee Siilaanyo iyo Xaaskiisu gadhwadeenka ka ahaayeen ay sidaa xun wax u maamushay. Taasi keentay in nin walba wasiiradii iyo madaxtooyadii shirkado lacagta u ururiya samaystay iyadoon lala gabanayn.

Anigoo awel yaabanaa oo amakaagsanaa Musuqa dawladaa hoose iyo wasaaratul daakhiliyah ayaan shalay la shaamareeray wasiirka

samaystay shirkadda tidhi waxaan ilaalinayaa nabad gelyada madaarada oo lacagbaan saaranyaa dadka dhoofaya iyo kuwa soo degaya iyadoo askartii wadanka noocyadeeda kala duwani gaajo suuqa la tubanyihiin. Waxaasoo kale dawlad laguma sheegi karo ee waa ISBAARO NIN MEEL DHIGTAY. Dekedda iyo Haamaha sidoo kale shirikaad lacagtii dawladda qaadi lahayd ayaa shirkad beena oo lacagta wadanka lagaga urursado ka samaysteen. Shaqadii carabta
khaliijka ee meel walba sheekh la yidhi lacagta ka guro ayaa maamulkii Siilaanyo jideeyey musuqmaasaqa noocani waa ka Sicir-bararka keenay wadanka. In hayadii xukuumadda si (private) loogu shaqaystay waata Sicir-bararka iyo ku shubashada doorashada horseeday, waana la hubaa in Somaliland sidaa dal ku soconayn oo mustamacu ay gaadhayaan heer ssn waxba la kala iibsanaym.

Madaxweyne Muse na hadalkiisii ahaa Musuqmaasaqaan la dagaalamayaa a wuxuu noqon hadal wax ka qabad ama hagbadii la sheegayey oo gacantii lala kala wareegayo. Haddaan wadanka sida wadamada jaarka loo maamulin oon la wada yeelan wadanku wuxuu ku dambayn gobolo mid walba ciddii u xoog roonaataa (ward lord) ka noqdo lacagta Ethiopia iyo dollarka lagu kala qato oo mavia state ah.

JABOUTI WAA DICTATOR SHIP WAQTI LEH HA KU DAYANI N A, CARABNA H A KU DAYANINA MIDNA SOMALILAND LAMA MID AHAA. Sida muuqata sicir bararku saadaashiisu kor buu u sii kacayaa waana la hubaa taas.

Isbdel muuqdaa ma jiro illaa imika oo labada Kulimiye ee dawladda yar isku wareejiyey haddii laga tegiwaayo isbedelku wuxuu yey oo qudha Muse Biixi wuu hadalaa Silaanyona qidhim buu ku sugnaa.

M Bashe (Meerkat)

qoranebashe@gmail.com