Xiddiga Maradona Oo Hablihiisii Iyo Xaaskiisii Ku Eedeeyay Inay Ka Xadeen Lacag Dhan 4.5 Milyan Oo Dollar !

(SLT-Hargeysa)-Xiddiga kubbada cagta ee reer Argentin Diego Armando Maradona ayaa had iyo jeer waxa uu ku kacaa ficilo aad u layaab badan oo soo jiita guud ahaan saxaafada Dunida, Maradona ayaa waxa uu labadiisa gabdhood ee uu dhalay ku eedeeyay inay ka xadeen lacag dhan 4.5 Milyan oo dollar waxaanu dalbaday in labadooda mid ahaan la xidho sida lagu soo bandhigay Wargeyska Daily Mail oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay.

1-999690Maradona ayaa sidoo kale dacwad maxkamadeed ku faray xaaskiisii hore ee Cloudia Philphan iyo labadiisa gabdhood ee Dalma iyo Geanina.

Maradona ayaa waxa uu sidoo kale ku eedeyay xaaskiisii hore iyo labadiisa gabdhood inay lacagtaasi qayb ka mid ah u xawileen Dalka Uruguay sidoo kalena waxa uu sheegay inay qayb ka mid ah lacagtaasi dhismayaal qaalli ah kaga iibsadeen dalkaasi Maraykanka.

Qareenka Maradona hawshaasi uu u igmaday ayaa waxa uu sheegay in xal kale jirin in xabsiga loo taxaabo mooyaane, isaga oo farta ku fiiqay gaar ahaan gabadha Giana, balse Giana oo hadalka Aabaheed ee ah in la xidho ka jawaabaysa ayaa waxay qoraal ku baahisay Twitter-ka waxayna ku tidhi “Way yaqaanaan halka aan ku noolahay waanay iman karaan marka ay rabaan”.

Maradona ayaa tan iyo xilligii uu ka safan jiray garroomada kubbada cagta dabayaaqadii sideetamaadkii ku caan baxay arrimo aad u layaab leh, kuwaasi oo aad loo fallanqeeyo.

Somalilandtoday/Hargeysa/Office