Xasuuso dharaarihii qadhaadhaa (WQ: MowliId Maxamuud Jaamac)

Halkii qorigu kaa muday,

Mar labaad lugtaadiyo,

Cagtu yaanay kula marin. “gadhle”.

Habeen walba waxa ay dhagahaygu maqli jiriin dhawaaq igu reebay xasuus aan bogsan, waxa aan maqli jiray  baroorta hooyo ilamaheedii ama odageedii qudha laga jaray, waxa mar walba aan maqli jiray war dhiilo ah oo naf baxday iyo hanti la baabiiyay ah. Waxa aan subax walba arki jiray nin qaab daran oo u labisan si qaab daran oo saaran gaadhi qaab-daran, wuxuu ku gaashaaman yahay qori qaabdaran cumaamadna madaxa ayuu ku sitaa, waa sawir aan ku ababay oo aniga iyo qayrkayba aanu u soo taagnayn.

Marka aan iskuulka tagaayo waxa aan raaci jiray wadiiqo yar oo la ii asteeyay, waayo dhirta hoostooda iyo iliiladaha waxa buux dhaafiyay ban-booyin iyo miinooyin, waxa ay naafeeyeen ama nafta ka jareen boqolaan qof. Kuwo ka mid ahi waxa ay ahaayeen asxaabtaydii iskuulka. Miinadu arxan daranaa!! Miyaanay aqoon waa ubad iyo waa waayeel bir ma gayda ah!!!

Nolosha noocas ah oo geeridu guri walba taabatay ayaan ku soo dhex bar-baaray, waa nolol ka danbaysay dagaaladii dalka lagu xoreeyay oo ay ku leedeen dad badani, waxaana ay hor dhac u ahayd xaaqitaankii intii ilaahay ka reebay dagaaladda. Dagaalkii qadhaadhaa ee dawladdii kaliyii taliyihii Ina siyaad lagaga tuuraayay xukunka oo dulmi farabadan sameeyay, waxa loo hibeeyay naf iyo maalba. Hooyadii maalintaa hurtay wiilkeedii curad si uu dalka u xoreeyo, ax iyo ux toona may odhan markii loo sheegay in wiilkeedii gacanta lagu dhigay oo inta magaaladii hargaysa dhexdeeda dadkii lays-kuugu  yeedhay maalintii lagu jidh dilaayo, habeenkiina kalbad xiniinyaha lagaga qabanaayo, waxay ax u odhan wayday guridanbayskaagu ha kunoolaado farxad iyo rayn rayn ayay lahayd, se waxa ay rajo dhigtay oo ay ka damqaday curadkeedii waa hore la dilay, markii guri danbayskeedii uu qudha ka jaray ninkii uu xabada iskaga dhigay wiilkeedii curad.

Noloshaasi waxa ay ahayd markii jabhaddii inba meel qabsatay ee inta ay habeen walba sirkhaamaan qudha iska wada jartaysay ama ay dadkii kale ka jartaysay.

Ba’ba waakan danbeeye waxa kasii dartay oo noqotay mid aanan ilaawayn, maalin ku suntan madaw iyo dhagar. Waxa ay ahayd taariikhdu Nov-1994 ,waxa aan ku jiray galaaskii koowaad ee iskuulka Maxamuud Axmed Cali, iskuulkani waxa uu ahaa xiligaa dugsi hoose, waa meesha kaliya ee marka aan gurigayaga kasoo baxo aan ka heli jiray nolol ka duwan tan aan ku dhex noolaa, jawiga cimiladdu xiligaa aad ayuu u qurux badnaa oo subax walba may-ga roobku wuu da’aayay, waxa aan fadhiisan jiray kursi xiga daaqada dabada ee iskuulka, ishayduna waxa ay qalbigayga usoo gudbinaysay muqaal fiican, waa caleentii dhirta oo ay dhibicdii roobkii  hadda uun qaaday tifiqdaa ka hayso iyo duul-duulka balan baalista aad moodo in si fiican loo sharaxay. Waxa aan ilaayi jiray wax yaalihii murugada lahaa ee aan ku dhex-noolaa, waxa ii iftiimi jirtay rajo iyo nolol quruxbadan, se waxa riyo aanay waxba ka jirin ka dhigay markii aan maqlay dhawaqa rasaasta waawayn iyo ta yar-yar ee ka hoos ciyaysa.

Anaga oo galaaskii dhex fadhina oo dhigaynayna cashar Af-soomaali ah oo ay noo dhigaysay macalimad la odhan jiray Faysa, in ay nooshay iyo inkale kama warqabo, waxa iigu danbaysay galaaskaa maalintaa ay ii dhigaysay. Se si fiican ayaan u xasuustaa casharkii ay ii dhigaysay; waxa uu ahaa “saab, seef, siin soodh, suun’’ casharkaas ayay noo akhriyaysay oo anaguna si wadara uga daba akhriyaynay. Haddii ay nooshay waxa aan Ilaahay uga baryaa caafmaad iyo cimri dherer, haddi ay iilatayna Alleh janadiisa ha ka waraabiyo; waxay ahayd ababiye wanaagsan.

Markii rasaastii hadh beeshay ee ay kala gu’ wayday, dadkii waawaynaana dareemeen in ay tahay balaayo horteed, waxa iskuulkii aanu dhigaynaynay isku soo shubay hooyooyinkii iyo aabayaashii, waxa aan ka xasuustaa waalidkii maalintaa goobta yimid Aabahay iyo oday la odhan jiray ina kaarshe. Waalidkay wuxuu u iskuulka u yimid si uu uga samata saaro xaaladan adag aniga iyo labada walaal ee kale ee ila dhigan jiray iskuulka. Kadib iskuulkii oo dusha nagaga xidhan ayaa lafuray oo waalid waliba ilmihiisii gacata qabsaday, waxa uu ula cararay dhanka gurigiisa.

Way kasii dartay xabadii, maalintii oo dhan way dhacaysay, se waxaaba ugu darnaa habeenkii markii gaadhi tigniko ah oo qorigu kaga xumaaday gurigayaga agtiisa, ay jabhadii wataday inta ay ku guulasyatay hagaajintiisii saq-badhkii tijaabis ku bilawday, anaga oo dirqi uun markaa ku gamanay, se aan filaayo in aanay dadkii waawaynaa dhinacaba dhulka dhigin. Mar qudha ayuunbuu kaga gariiriyay dhulkii, markaas ayaanu moodnay in gurigayagii dhulka lala simay, waanu salalnay oo sasnay, waagiina sidii ayuu noogu walalac yidhi.

Maalintii danbe ayaa dagaalkii sii qadhaadhaaday oo suugii iyo mad-facii xaafadaha si toosa loola dhacay, waxa aanu ka dareernay guryihii, iyada oo dadkii waawaynaa ay noo sheegayaa in uu yool haysto gurigayaga, waxa aanu go’aansanay in aanu si ku meel-gaadh ah uga baxno magaaladda. Waxa aanu tagnay magaalada dusheeda, lakiin nagama hadhin mad-facii ee waxaabad moodaa in si toosa lanoola eeganaayo, taas ayaa nagu kaliftay in aanu go’aansano in aanu toos u qaxno, waxaananu tagnay tuulo aanu mudo daganayn, kadibna waxa aanu usii hayaanay xero-qoxoonti.

In maskaxdii aniga iyo intii goob jooga u ahayd dhacdan uu ku reebay sawir fool xun, waxa noo dheer in dib u dhac nololeed oo dhinac walba taabanaaya uu noo gaystay dagaalkaasi.

Waa dhacdo xanuun badnayd, intiinii joogtayna way garanaysaa. Inkasta oo aanan aad u garanayn dagaaladii lagu hoobtay ee Ina siyaad lala galay, se waxa ka xanuun badnayd kana murugo iyo ciil badnayd dhacdadii 1994-kii. Waayo waxa uu ahaa kaa dhimay oo kugu dhimay, waayo hooyadu mar-walba way ooyaysay oo wiilkeeda ama walaakeed ayaa la dilaayay, oo ragu seediyadood ayay dooxayeen ama abtiyadood. Runtii waa dhacdo xanuun kulul. Xaaladu waxa ay ahayd sidan;

-Islaantii curadkeeda

kolkay Eydu cunaysay

ax doraad odhan weyday

-markii ay arki weyday

wax guda oy ku ilowdo

noloshii inankeeda

inay maanta u oydo

inteeday ku sugaysay

-Oori weerku ku raagayoo

geeridii odeygeedu

afaafkay ku banaysay

ninkii owdi lahaa

isagii fadhataystey

yaan u eersa nidhaa……… ilaa dhamaadka

Abwaan; Mohamed Haashi Dhamac “Gaariye’’.

Waxaas iyo wax ka daran ayaa lasoo maray, aniga way I saamaysay, se maanta ubadkayga in ay ku noolaadaan nolol ka wanaagsan ayaan doortay, in aanay arag rafaadkaa ayaan doortay, waxaana I rajo-galiyay halka aynu gaadhnay maanta oo aad uga fog xaaladaa aan kasoo sheekeeyay, waxaan maraynaa in aynu samaysano dawlad hanaankeedu u dhamaystiranyahay. Saxaafaddii dunidu waxa ay aad uga hadlaysaa guusha aynu ka gaadhnay doorashooyinka, iyo qaababka aynu u daadihinayno tan ugu danbaysa, waxaynu noqonay ilays ka dhex baxaaya qaaradda afrika. Waxa aynu haynaa hayaan qurux badan, waxaanaynu ku helnay waxaas oo dhan nabad-galyadda.

Haddaba, waxa aynu soo hintiqinaba waxa aynu maraynaa imtixaankii u danbeeyay, oo ah kan doorashadda, sidaadarteed waa in dhamaanteen aynu nabada ka horaysiinaa wax-kasta, xataa waa in aynu ka horaysiinaa helida calafka aynu calaalinayno.

Waxa tartamaaya waa sadex xisbi ee maaha reero, adiguna waxa aad tahay qof hal cod leh, waa xaq aad kaligaa leedahay ee cida aad doonto si nabad-galyo ah usii. Waxa aad ka xorawdaa in codkaaga lagula yeesho, waxa aad noqotaa xor, ka xor ah qabyaalad,oday dhaqameed, iyo siyaasi dantii raac ah. Haddii aad ku dhex-nooshay dad dhamaantood garanaaya xumaha qabyaaladda, haddana kawada badheedhay in ay ku dhaqmaan, way kula adagtay in aad ka duwanaato adigu, se waa wax fudud oo aad samayn karto, waayo waxba kaama galin dadka qalooca ee adigu toosnaw oo u istaag in aad dawayso iyagana.

Bal u fiirso dunida iyo isbadeladeeda, ma waxa ay kula tahay in ay ku timid si dabiici ah? Maya kumay iman ee nin ama laba nin ayaa sameeyay isbedkasta oo ka dhacay dunida. Magacooduna waxa uu noqday mid waara oo xataa adigu aad taqaan, lakiin iswaydii malaayiin qof ayaa la noolaa dadkaa ee maxaa loo aqoonsan waayay?; sababta oo ah dhamaantood waxa ay aaminsanaayeen in aanay waxba badali Karin dunida.qof kasta oo imika noolina waxa uu noqon doonaa mustqabalka labada qolo mid uun. Waxa dunida soo maray rag adiga oo kale ah oo badalay nafahoodii iyo umadii ay ku dhex-noolaayeen. Waxa kamid ahaa dhalinyaradii xoraynta soomaalilaan iyo kuwii soomaaliya, Martin Luther King, Nelson Mandela, Mahatma Gandhi; iyo qaarkale oo badan.

Dadkani waxa ay ku dhex noolaayeen umad aan u garaabayn, haddana way badaleen, se adiga waxa aad haysataa boqolaal kuu garaabaaya ee fadhiga ka kac, oo badal naftaada kadibna badal umaddaada, oo ka bilaw maanta codka aad bixinaysid. Iswaydii oo kaliya maanta in codkaaga aad xor u tahay iyo in lagula yeeshay!!!

Magacaagu yuu noqon,

Mid xumaan ka marag-kaca,

Sida macawisaa qaar,

Ninba maalin yuu xidhan,

Hadba kii muraadle ah,

Hawga dhigin maqaar-saar,

Mar waxaad dhandhamisiyo,

Mijin qaad ah haw dhiman,

Hana talin masiibiyo,

Wax makhluuqa kala dila,

Maskaxdaadu yay noqon,

Maqal lagula leeyahay,

Yaan toban muftaax iyo,

Lagu furan masaabiir,

Waxaad shalayto mudatiyo,

Mahadhada xusuusnoow,

Halkii qorigu kaa muday,

Mar labaad lugtaadiyo,

Cagtu yaanay kula marin. “ibraahim gadhle” 

Mahad oo dhan ALLEH ayaa leh.

WQ: Mowlid Maxamuud Jaamac

Mowlid4040@gmail.com