Xannuuno Ka Dilaacay Degmada Allaybaday, Tiro Carruur Ah Oo U Dhimatay Iyo Gudoomiyaha Degmada Oo Qaylodhaan Kasoo Saaray

(SLT-Allaybaday)-Guddoomiyaha Degmada Allaybaday ee Gobolka Gabiley Cabdirisaaq Sheekh Cabdilaahi Maxamed (Awgaab) ayaa shaaca ka qaaday Xannuuno ka dilaacay Deegaamada Degmada Allaybaday, Waxa uu ugu baaqay dhamaan Hay’adda Caafimaadka ka shaqeeya iyo Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland in Deegaankaasi deg deg loola soo gaadho Daawooyin iyo agab kale oo caafimaad isagoo sheegay inay daawadii ka go’day, islamarkaana ay illaa hadda tiro gaadhaysa afar carruur ahi u dhinteen Xannuunadaasi.Waxa uu hay’adda Bisha Cas ku amaanay inay qayb wayn kaga jirto gurmadka Carruurta deegaankaasi lagula tacaalayo.


Guddoomiye Cabdirisaaq oo warbaahinta Gobolka Gabiley la hadlay ayaa waxa uu yidhi: “Muddo Saddex todobaad ka hor ayay deegaanka ka dilaacay Xannuunada loo yaqaan kixda iyo Jadeecada,gaar ahaan waxa ay xannuunaddani ka dilaaceen tuulooyinka iyo deegaanka ay ka mid yihiin Diini-goobaale,waalid xoor,Laaye,Tincadda, Heeryo,iyo Xarunta Allaybaday, waxaanu aad uga hawlgalnay sidii aanu u talaali lahayn carruurta aanay wali xannuunadaasi haleelin,Waxaa aad noo caawisay Hay’adda Bisha oo noo soo dirtay Tiim caafimaad,aadna uga shaqaynayay deegaanka walaw ay ka awood badatay,oo aanu illlaa imika wadno”
Waxa kale oo uu yidhi“Deegaanka Waalid Xoor waxaa ku dhintay illaa afar carruur ah,oo tirada aanu xaqiijinay ah,sidoo kale Xadka illaa deegaankan Allaybaday,gaar ahaan xagga Magaalada Allaybaday ee dhinaca toga xigta ah,siiba xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya waa deegaanka uu ku badan yahay,Waxaanu la hadalnay Wasaaradda iyo Iskuduwaha Gobolka,Waxay nagu yidhaahdeen waanu ka hawlgalayaan,Shalay oo u dambaysay waxaa naga go’ay talaalkii,aanu ku talaalnay carruurta aanu wali haleelin Xannuunku. Degmadda Allaybaday malaha Xarun Caafimaad oo dawli ah, keli ah waxaa ku yaala dhamaan Allaybaday hal MCH oo ay maamusho Hay’adda bishacas oo la tacaalaya Xannuunkaasi dilaacay,aad ayay culays badan noogu haysaa”.
Ugu dambayn waxa uu yidhi“Waxaanu dal banaynaa in Talaal deg deg ah Allaybaday lala soo gaadho,Xannuunkuna faro baas ayuu ku hayaa carrurtii Degmada Allaybaday”.ayuu hadalkiisa ku soo koobay Guddoomiye Cabdirisaaq C/laahi.

Somalilandtoday/Hargeysa/Office