Xafladaha Dabaal degyada Muuse Biixi Iyo Cabdiraxmaan Saylici

Laakiin halkii uu todoba sanadood fadhiyey buu doonayaa in hadana soo dhanbuuqsado oo taasi waa han yaraan aannu himilo kale lahayn

image

Muse Biixi tan iyo maalintii uu isu cumaamaday jagada musharaxa madaxweyne wuxuu u waashay in magaalo walba xaflad taageero ah looga sameeyo. Muse wuxuu u haystaa in uu kursigiiba fuulay.

Saylici hankiisu wuxuu dhaafi waayay madaxweyne ku xigeen. Xisaabta ayaa ka qaldan ee waxay ahayd am in uu siyaasada ka nasto ama musharax madaxweyne uu doonto.

Laakiin halkii uu todoba sanadood fadhiyey buu doonayaa in hadana soo dhanbuuqsado oo taasi waa han yaraan aannu himilo kale lahayn. Hadaba Muse Biixi oo Samaale iyo Maxamed biixi iyo Xirsi iyo qaar kaloo badani dhexda u fadhiyaan baan is ogayn in aannu gobalna cod lagu doorto ka kasban karayn oo rag

jabaabira ah ayaa ka soo hor jeeda oo aanu ka dul boodi karin.
Waxaan shaki ku jirin maalinta Muse biixi kursiga waayo in uu qaadi doono xanuun aannu cimrigiisa inta hadhay ka bogsan doonin sabab tuna tahay wuxuu rumaystay xafladahan uu qarashka badan ku bixiyo ee uu leeyey mar uun musharax madaxweyne i dhaha.

Abmustafe123@gmail.com