Xafiiltanka  Mucaaradka & Muxaafidka Wakiilada Oo Burburiyey Kalfadhi Qaranka Muhiim U Ahaa Iyo CIRRO Oo Sawir Kale U Sameeyay Maqnaanshihii Aqlabiyadda Mudanayaasha Golaha

(SLT-Hargeysa) – Fadhi aan caadi ahayn oo  u furmi lahaa Golaha Wakiillada Somaliland ayaa Axadii shalay baaqday, kaddib markii Kooramku buuxsami waayay.

Fadhiga ayaa buuxsami waayay, markii Mudaneyaasha  Muxaafidka ah ee ka soo horjeeda

Xubnaha Komishanka Doorashooyinka ee qorshuhu ahaa in lagu ansixiyo fadhiga koowaad ee kal-fadhigan aan caadi ahayn ee labada Maalmood socon lahaa, ayaa iyaguna yimi xarunta Baarlamank si loo ansixiyo, balse markii ay arrinta goluhu noqotay gel-gelin loo kala baxay, ayay dib u noqdeen, inkasta oo ay wakhti dambe ku gaadheen.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Cirro oo isu soo diyaariyay inuu shir-guddoomiyo fadhigan baaqday, ayaa markii xaaladdu sidan noqotay gabi ahaanba soo xidhay kal-fadhigii aan caadiga ahayn ee Golaha, iyadoo mudaneyaashu halkoodii ka sii wadanayaan fasixii ay ku maqnaayeen.

 

download (5)

Guddoomiye Cirro oo fadhiga baaqdey ka dib la hadlay saxaafadda ayaa yidhi “Mudanayaashii yimid Golaha ee Muxaafidka iyo Mucaaradka isugu jirey waajibaadkooda ayay gudanayeen, xildhibaannada naga maqnaana waanu ka xunnahay, waayo (Fadhigu) wuxuu ahaa xil-gudasho fadhigu wada lahaa, laakiin waxay ku baaqatey (in la ansixiyo Komishanka) maqnaanshahooda, markaa mudanayaasha waxaan ugu baaqayaa in aanay ka baaqan waajibaadka laga sugayo”

Guddoomiye Cirro, ayaa sheegay in Kalfadhigii aan caadiga ahayn ee lagu ansixin lahaa Komishanka doorashooyinka iyo Miisaaniyaddu dhamaaday, maadaama oo kooramkiisu buuxsami waayay  “Fadhigii annagu waanu furnay annaga oo gudaneyna waajibaadkayaga, maadaama oo aanu buuxsamin fadhigiina, Kalafadhigii aan caadiga ahayn sidaasi ayuu ku baaqdey, Kalfadhiga kalena wuxuu bilaabmi marka fasaxu dhamaado oo ku beegan 8-da bisha 11-aad”ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray in tani ka mid tahay caqabadaha la hor-dhigayo in doorashadu dhacdo “In badan baanu lahayn doorashada dib baa loo dhigayaa oo caqabadaa jira, waa in shacabku indhahooda aad u furaan, waayo tani (in xildhibaannada Muxaafidku ka baaqdaan fadhigii lagu ansixin lahaa Komishanka iyo Miisaaniyadda) waxay ka mid tahay caqabadihii la hor-dhigayey doorashoooyinka iyo diwaangelinta, waayo komihanku isagaa ka masuul ah doorashooyinka, haddii aynu Guddidii doorashooyinka diidno doorasho ma dhaceysaa”ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray, isaga oo ka jawaabaya soo jeedin ay u gudbiyeen Mudanayaasha Muxaafidka ahi “Saddex xildhibaan baa ii yimid, waxay ii keeneen soo jeedin, waan waydiiyey oo waxaan idhi ma Mooshin baa, Maya ayay yidhaahdeen ee waa soo jeedin, soo jeedintoodii markaanu eegnay waxay ku saabsanayd xeerka (Diwaangelinta), maantana (Shalay) mowduuca laga hadlayey wuxuu ahaa ansixinta Komishanka”

Laakiin, xildhibaannada Muxaafidka ee ka baaqdey fadhigii lagu ansixin lahaa Komishanka doorashooyinka, ayaa iyaguna sababeeyay ka maqnaanshahooda, waxayna sheegeen in Guddoomiye Cirro iska dhago mariyey soo jeedin ahayd in fadhiga la joojiyo, ilaa inta la saxayo qaladaadka iyo wax ka bedalka lagu sameeyay xeerkii diwaangelinta ee Guurtidu soo celisay “Haddii dambi dhacay oo aan dambigii la saarin ciddii lahayd siduu Gole u furmaa, markaa arrintaasi oo bulshada caalamku maqashay ayaanu doonaynaa inaanu daweynno, hasa-ahaatee waxa dhacday in Mooshinkaasi la hor-joogsaday, wax kalena ma ahayn ee inta (Shakiga xeerka diwaangelinta galay) la caddeynayo hakiya fadhiga ayay ahayd” sidaa waxa saxaafadda u sheegay xildhibaan Waabeeye oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha wakiilada, waxaanu intaasi ku daray “Halkii qoladii qalad ka samaysay ay qaladka sixi lahayd ama ay odhan lahaayeen sidaas ayay wax u dhaceen, ayay yidhaahdeen la isku joojin maayo ee Golaha ayaanu fureynaa”

Dhanka kale, xildhibaannada xisbiga KULMIYE ee ka muquurtey fadhigii shalay ayaa soo bandhigay soo jeedinta ay Guddoomiye Cirro u gudbiyeen ka hor kalfadhigaasi:

Soo jeedinta Mudanayaasha Golaha Wakiilada ugu jira xisbiga KULMIYE ayaa u dhignayd sidan:-

UJEEDDO:  SHIRKA AAN CAADIGA AHAYN EE GUDDOOMIYUHU KU BAAQAY SABTIDA  25 OKTOOBAR, 2014

§  Annagoo ah xildhibaanada Golaha Wakiilada JSL ee magacyadoodu hoos ku saxeexanyihiin

§  Annagoo tixraacayna go’aankii Golaha Wakiilada JSL ee fadhigii qabsoomay maalintii ay taariikhdu ahayd 30kaSeptember, 2014 halkaasoo 64 Mudane cod gacan taag ah ku oggolaadeen laguna ansixiyey Xeerkii Xukuumaddu soo gudbisey ee WAX-KA-BEDDELKA IYO KAABISTA XEERKA DIIWAANGELINTA MUWADINNIMADA IYO CODBIXYEYAASHA XEER LR. 37/2007  oo lagu lifaaqay qoraalada kala ah:

o   Qoraalkii heshiiska ahaa ee Madaxweynuhu golaha u soo gudbiyey,

o   Talabixintii Guddi-hoosaadka Arrimaha Gudaha ee Golaha Wakiilada, iyo  lifaaq go’aamo ah oo Goluhu isla qaatay

§  Annagoo isla qirnay xadgudub lagu sameeyey go’aankaas kor ku tilmaaman ee WAX-KA-BEDDELKA IYO KAABISTA XEERKA DIIWAANGELINTA MUWADINNIMADA IYO CODBIXYEYAASHA XEER LR. 37/2007 iyadoo markii xeerka loo gudbinayey Golaha Guurtida tirtiris, wax ka beddel iyo wax ku daris aan goluhu isla oggolaan lagu sameeyey.

§  Annagoo isla qirnay xeerka WAX-KA-BEDDELKA IYO KAABISTA XEERKA DIIWAANGELINTA MUWADINNIMADA IYO CODBIXYEYAASHA XEER LR. 37/2007 inuu muhiim u yahay hawlaha dimoqraadiyadda iyo muwaadinimada.

§  Annagoo tixgelineyna ku dhaqanka Dastuurka JSL iyo Xeer hoosaadka Golaha oo labaduba tilmaamaya in Golaha Wakiiladu u gudbin karo Golayaasha Guurtida iyo Xukuumadda wixii goluhu go’aansaday.

Haddaba, asbaabaha aan soo sheegnay dartood waxaanu soo jeedineynaa in la hakiyo shirka aan caadiga ahayn ee Guddoomiyuhu ku baaqay 25ka Oktoobar, 2014 ( fadhigii shalay)  ilaa inta laga saxayo WAX-KA-BEDDELKA IYO KAABISTA XEERKA DIIWAANGELINTA MUWADINNIMADA IYO CODBIXYEYAASHA XEER LR. 37/2007…”

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday