W/Warfaafintu Waxay Ku Talaabsatay Horumar Buuxa Intii Uu Wasiirka Ahaa Cukuse.

Intaanan maqaalkaygan hoos uguda galin waxaan xusuustay oo maskaxdayda ku soo dhacday hadal runtii dhaxal gal u noqday saxaafada, dunida hadalkaas oo uu yidhi Alla ha u naxariistee madaxwaynihii hore ee Liibiya Mucamaral Qadaafi isagoo ka jawaabaya su’aal la waydiiyay xili mudo kooban ku badalay saddex wasiir oo wasaaradiisa warfaafinta ah. Su’aashii la waydiiyayna waxay u dhignayd sida tan mudane madaxwayne waa maxay sababta kugu kaliftay inaad mudo kooban ku badasho saddex wasiir oo wasaara warfaafinta ah? Madaxwayne Qadaafi wuxuu ku jawaabay isagoo kaftamaya waxaan xulanayay gantaalkii wadanka aan ku difaaci lahaa, wuxuuna sii raaciyay anigu shaqo kasta waan qaban karaa oo aan ka ahayn wasiirka warfaafinta.

Sida jawaabta Qadaafi ka muuqata wasiirka war faafintu waa inuu noqdaa nin

 warfaa

codkar ah aftahana ah oo luuqad adag ku difaaca siyaasada qaranka, wasaarada warfaafintuna tahay meelaha ugu shaqada badan wa’ayo wax fasax ah malaha waana meelaha ugu adag oo qof bini’aadmi ahi ka shaqeeyo.

Hadaba wasaarafa warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta wasiiro badan ka dib waxa maanta wasiir ka ah mudane C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo runtii ah nin ku sifoobay galtaalkii Qadaafi sheegayay inuu liibiya kaga difaacayo reer galbeedka marka laga yimaado aftahanimada iyo codkarnimada ilaahay hibada u siiyay xiliyada uu u jawaab celinayo cadawga Somaliland haduu yahay mid dibadeed ama mid gudeedba taasi oo ah shaqada ugu way ee uu qarankan u matalo wa’ayo waa afhayeenkii xukuumada, intaas ka dib waxqabadkiisa lama koobi karo waxaana kow ka ah midaynta shaqaalaha oo ah mishiinka wareejiya wasaarada warfaafinta, xoojinta qaybta dhaqanka iyo wacyigalinta isagoo wasaarada keenay kana shaqaalaysiiyay fanaaniinta xidiga geeska oo runtii ah fanaaniin aad u da’ayar yar looguna jecel yahay gayiga soomaalidu degto oo dhan runtiina door muhiim ah ka qaatay soonoolaytii dhaqanka kuwaasoo hadh iyo habeen heesohooda lagu maaweeliyo dhagaystayaasha ama daawadayaashaba, waxa kaloo ka mid ah wax qabadkiisa wuxuu ku soo kordhiyay barnaamijyo ay ka mid yihiin qaybta luuqada carabiga ee SLNTV oo runtii ah luuqada labaad ee wadanka lagaga hadlo siduu dastuurkeenu dhigayo, xaga dhismaha wasaarada warfaafinta waxa la bilaabay dhisme laba dabaq ah oo runtii door muhiim ah ka ciyaaridoona shaqo maalmeedka wasaarada iyo bilicdaba, dhamaan wax qabadkan tirada badan ee aynu soo sheegnay waa ay u muuqdaan qof kasta oo dhanka wanaagsan wax ka eegaya laakiin waxmagaratada waa maya, wasiir waanu kuugu hambalyaynaynaa kugu gubaabinaynaaye dhag ka u dhigin wax magaratada xumaanta iyo wanaaga midnaba aqoonin.

Waxa cad oo muuqata horumarka ka socota wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta intii uu joogay C/laahi Cukuse, ta kale madaxwayne Ahmed Siilaanyana wuu yaqaanaa ciduu udooranayo masuuliyad ee la jaanqaadi karaysa horumarka ka socda wadanka oo dhan, waxaanu ku qiimeeyaa qofka aqoontiisa, kartidiisa, daacadnimadiisa iyo wuxuu kusoo kordhin karayo hadba meeshuu u magacaabayo.

Guntii iyo gunaanadkii waxaan kusoo afmeerayaa maqaalkaygan xiliyadan danbe waxa kusoo badanayay dalka dad magac iyo martabo ka raadiya wasiir hebel baan u xidhanahay iyagoo raadinaya in mar uun ku soo baxaan bayjajka hore ee Websiteyada ama Wargaysyada madaxa banaan iyo in laga daawado shaashadaha TVyada iyagoo u xidhan wasiir hebel inay bulshada tusaan waxayna ku fikiraan wasiir hebel waxaan jirin ka qor ha lagu xidhee. Waxaan hadalkaygan kusoo gababaynayaa “Ninkii meeli buktaa isagay belbeshaaye” wasiir horumarkaaga halkaas ka wad bulshadaaduna way kugu taageersan tahaye.

W/Q: Abdirisaq Hussein Cige

E-mail: abdirasak45@gmail.com

Mobile: 0634119060