Wiil Uu Dhalay Faysal Cali Waraabe Oo Ku Geeriyoodey Dalka Suuriya

Hargeysa (Somalilandtoday)-Dalka Suuriya waxa 29kii bishii Desember ee sanadkii 2017kii ku geeriyooday Xuseen Faysal Cali Waraabe oo kamid ahaa carruurta uu dhalay guddoomiyaha xisbiga UCID.

Xuseen ayaa sanadkii 2013kii ka tagay magaalada Hargeysa iyadoo wakhtigaasi la sheegay in uu ku biiray ururka DAACISH ama ISIS ee ka dagaallama dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Cali Faysal Cali Waraabe oo ay walaalo yihiin Xuseen ayaa Goobjoog News u sheegay in loo malaynayo in wiilkoodu ku dhintay duqayn diyaaraddeed.

Somalilandtoday/Hargeysa/Office